Madaxweynaha Somaliland oo boggaadiyay Madaxweynaha cusub ee Itoobiya

0
2739

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya yeeshay ee Taye Atske Selassie, kaasi shalay loo dhaariyay xilka madaxweynenimada.

Taye Atske Selassie, ayay fadhi wadajir ah oo ay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya yeesheen ku ansixinayeen, ayaa hore u ahaa wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliland oo qoraal ku baahiyay boggiisa X, ayaa dhambaal boggaadin ah u diray madaxweynaha cusub ee Itoobiya, Taye Atske Selassie.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu Taye Atske Selassie u rajeeyay guul muddada uu xilkan madaxweynenimada uu hayo.

Waxaa uu sidoo kale madaxweyne Taye Atske Selassie u rajeeyay inuu ka shaqeyn doono iskaashiga iyo cilaaqaadka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Federaalka Itoobiya.

Taye Atske Selassie, madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya, oo dhaarintiisa kadib khudbad ka jeediyay Baarlamaanka, ayaa soo hadal qaaday heshiiska is-faham ee Somaliland, isagoona sheegay in heshiiska isfaham ee Itoobiya la gashay Somaliland uu yahay mid ay kaddin baddeed ku doonayaan oo aasaaskiisu yahay wax is dhaafsi laba dhinac ah iyo masaalix wadaag.

Wuxuu tilmaamay in heshiiska is-faham ee ay la galeen Somaliland uu aasaaskiisu jidaynayo dedaalada ay ku heli karaan kaddin baddeed, kaasi oo ku sallaysan masaalix wadaag laba geesood ah.

“Itoobiya waxa ay Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad ah oo ku dhisan faa’iido labada dhinac ah, ayuu yidhi Taye, waxaanu intaas ku daray in Itoobiya ay ilaa hadda xalisay xiisadda diblomaasiyadeed.

Wuxuu sheegay in guul la taaban karo la diiwaan geliyay oo la xidhiidha heshiiska is-faham ee Somaliland iyo Itoobiya, iyadoona buu yidhi xidhiidhka Shiinaha uu sare u qaaday dhammaan iskaashiga istaraatiijiyadeed ee cimilada.

Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday hawlaha faraha badan ee socda ee lagaga hortagayo khilaaf diblumaasiyadeed oo aan loo baahnayn oo ka dhashay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya.

Taye Atske Selassie oo ah diblomaasi ruugcadaa ah, ayaa tan iyo bishii Feberwari ee sannadkan 2024ka ahaa wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, waxana shalay loo dhaariyay xilka madaxweynaha Itoobiya ee lixda sanno ee soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here