Madaxweynaha Puntland oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Ciidamada iyo Garsoorayaal Kale

0
505
Madaxweynaha Maamulka Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Hargeisa Presss)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiye ku meel gaadh ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo garsoorayaal kale oo gaadhaya illaa shan xubnood.

Halkan hoose ka akhriso garsoorayaasha xilka laga qaaday iyo guddoomiyaha cusub ee la magacaabay

  1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.
  2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, kuwaasi oo kala ah:

2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye

2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen

2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore

2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore

2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore

2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

Madaxweyne Deni ayaa magacaabistan ku tilmaamay dib-u-habeyn lagu sameynayo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland.

24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaa madaxweyne Deni uu sidoo kale magacaabay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen guddoomiyaha Baanka dhexe, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyayaal degmo iyo kuwo gobol.

 

Hargeisa Press Desk/Garoowe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here