“Madaxweynaha cusub, Laba Reer May Soo Saarin..” Sheekh Aadan-Siiro + MUUQAAL

0
1801
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Xaaladda Dalku marayo iyo Madaxweynaha cusub ee ku soo baxay Doorashadii 13-kii bishan November ka dhacday Somaliland.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Khudbadda Talooyin ku aroorayo Rasuulkeenna Muxamed (CSW) iyo Asxaabtiisii wanaagsanaa u soo jeediyey Madaxweynaha cusub ee la doortay, waxaanu yidhi “Waxaynu Tilmaamaynaa dhacdooyin uu Rasuulku (CSW) ku mideeyay Dadkii wanaagsanaa. Rasuulku wuxuu sameeyay wax la yidhaahdo ‘Adigu Taada illoow oo Walaalkaa u daa’, si Dadku u midoobaan. Rasuulku (CSW) wuxuu sameeyay Dawlad Iimaaniya oo Dadku wax wada leeyihiin oo ay meel u wada jeedaan, sidaasi darteed Dawladda Cusub waxaanu kula talinaynaa inay qaadato Talooyinka halkan ku jira oo ah kuwii uu bixiyey Nebigu (CSW). Kalmadda ah inaad Dadka iska hor-mariso inta aad taada halkaa dhigato waa si aad Walaalahaa u hesho inaad iyaga u Sed-buriso, taasina waa marka aad doonayso inay Dadku mid noqdaan. Dariiqa aynu maraynaa waa Dariiq dheer, maaha Dariiq Kooxi leedahay, maaha Dariiq Deegaan leeyahay, maaha Dariiq Reer leeyahay, maaha Dariiq Xisbi leeyahay. Dadkani waa Dad Muslimiin ah, waa Dad wada Ahlu-sunne ah, waxay ku kulmayaan waxa weeyaan inay Dadku isku Tanaasulaan, waxay ku kulmayaan waa Kolba ka hayaa inuu ka kale u badiyo, si Ummaddu wax u noqoto.”

Sheekhu wuxuu ka warramay sidii ay u dhaqmi jireen Saxaabadii soo hoggaamiyey Muslimiinta “Maalintii la qorayey Diwaanka Mushaharrooyinka Saxaabada ayaa Kuyuu la soo wada galay, halkan waxa taagan Usaama Binu Sayid Binu Xaaris, Safka Dhallinyaradana waxa taagan Cabdillaahi binu Cumar binu Khaddaab, ka wax qoraya ee Mushaharka samaynayaana waa Cumar Binu Khaddaab, Usaama Binu Sayid waa Saxaabi ku dhex koray Guriga Rasuulka (CSW) oo ka mid ah ah Xalqaddii koowaad ee rumaysay Rasuulka (CSW), waxaana dhalay Usaama Saxaabiga qudha ee lagu sheegay Qur’aanka Magaciisa oo ah Sayid Binu Xaaris, Cabdillaahi Binu Cumar-na wuxuu ka mid ahaa Shanta Cabdillaahi Saddexda ugu Cilmiga badan ee Rasuulku (CSW) uu sida gaarka ah isha ugu hayn jiray. Cumar Binu Khaddaab oo Mushaharka samaynayey ayaa Cabdillaahi (Oo Inankiisa ah) ku yidhi dib u noqo oo gal halka ka dambaysa Usaama Binu Sayid Binu Xaaris, aniguu Ilaahay Muslimiinta i hor-dhigaye, Usama ayaa loo qoray Afar kun oo Dirham, Cabdillaahi-na wuxuu Mushahar ahaan ugu qoray 3 Kun oo Dirham, kun Dirham ayuu u dheeraysiiyey Cabdillaahi, isagoo ka Cilmi badan. Cumar Binu Khaddaab wuxuu doonayey inuu Muslimiinta tuso inay tahay Bog cusub oo Muslimiinta lagu aasaasayo oo odhanaya Adigu markaad talinayso dib u noqo oo kaa kale hor-mari.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sidaasi darteed, waxaanu Dawladda cusub kula talinaynaa inay Dadka ururiso Cadaaladna ku dhaqdo, Kuwii moodayey markay soo saarayaan dawladan cusub Inay helayaan Mashaariic Iyo Qandaraasyo badan waxaanu u sheegaynaa ni aanay helayn wax aan Caddaalad ahayn.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka hadlay Culayska Xilka loo doortay Madaxweynaha cusub “Xilkaasi waa Xil culus, waa Xil ka dhexeeya Afar Milyan iyo Badh Qof, waa Xil (ay Shaqo Abuur ka sugayaan) 70 kun oo Dhallinyaro Jaamacadaha ka soo baxay oo aan shaqaynin, oo qaarkood Hooyooyinkood ku soo koriyeen Tamaandho (ay suuqa la fadhiistaan). Dawladdaa cusub waa Dawlad ay intaas oo Naafo ah oo soo wada ootay ka rejaynayaan (Waxtar), waxaynu leenahay Qofka maanta ka bixi kara (Waajibaadkaasi) waa Qof ILAAHAY Talo-saarta oo Cadaaladda naftiisa ka bilaaba, dabadeedna uu daadejiyo oo uu Dadkii wax tabanayey iyo inta kaleba uu u Caddaalad-falo, Waayo? Cadaaladda ayaa Dadka deeqda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Cumar Binu Cabdicasiis oo 30 jir ah, ayaa wuxuu Talada ku soo beegmay iyadoo Dadkii Reer Binu Ummaya ee Muslimiinta u talin jiray, iska daa Adduun iyo Dhul e ay Dadkii yeesheen, markaasaa aad loogu wer-weray, laakiin Markuu ILAAHAY Talo-saartay ee uu Afar Sannadood hayey ee uu u Caddaaladda ku dhaqay, waxa la yidhaahdaa Yeygii baa ka xishooday inuu Cuno Adhigii Dadka.”

Sheekhu wuxuu Tilmaamay in Shacabka reer Somaliland u baahi qabaan Caddaalad “Ummaddu Caddaalad-bay u baahan tahay, Xisbinimo, Reernimo iyo Deegaan, Adeer Madaxweynaha ma khusayso, waxaynu ka hadlaynaa maaha Deegaan, maaha laba deegaan, waxaanu ka hadlaynaa Bog-caddan yar ee Somaliland ee Halganka badan soo gashay ee dhibta badan soo gaadhay ee Dadkeeda in badan Maanta balan-balayaan. Cidda la doortay waa inay garataa Masuuliyaddaasi waxay tahay, Waayo? Waa amaano. Madaxweynaha Xisbi malaha, Madaxweynaha laba Reer may soo saarin, wuxuu ka talinayaa Dhulkan ay wada leeyihiin Afarta Milyan iyo Badhku, markaa Af-xumada hala iska daayo, Qabaa’ilka yaan waxba laga sheegin. Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa Dadka wax tabanaya Halkooda ugu tag, inta aanad wax Magacaabin Dadka Walaalee.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray “Dawladdani waa Dawladdii Aqoonta iyo Kartida, waa Dawladdii Xulka ahayd ee aan Xalka ahayn, markaa Xitaa Reeraha la Raali-gelinayo Annaga Taladayadu waxay tahay in Dadka loo Magacaabayaa lagu xidho Shuruudo (kala duwan) yeeshaanna Tilmaamahaa (Aqoon iyo Karti), haddaynu doonayno in Dalkani hore u socdo.”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here