Generaal Doolaal oo soo Bandhigay Sheeko Xiiso Badan oo ku Saabsan Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi

0
1498
Gen Doolaal iyo Madaxweyne Muuse

Hargeysa, (HargeisaPress) —General Ibraahim Aadam Xal-xal (Doolaal) oo ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidammaddii dawladda Soomaaliya waqtigii Siyaad Barre, haatan ka mid ah masuuliyiinta iyo odayaasha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Kilalka Shanaad, ayaa soo bandhigay sheeko xiisbo badan oo ku saabsan taariikh hore oo ay wadaageen Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadii Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

General Ibraahim Doolaal oo toddobaadkan Hargeysa u yimi hambalyeynta Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi, ayaa kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha baahiyey qoraal dheer oo uu ku faaqiday dhacdooyin uu goob-joog ahaa sannadkii 1983-dii iyo dhibaatooyin halis ahaa oo uu isagu sabab u ahaa inuu ka badbaado Madaxweyne Muuse Biixi oo xilligaasi ahaa sarkaal ka tirsan ciidammadii Soomaaliya.

Qoraalka General Ibraahim Aadan Doolaal oo xambaarsan xiiso badan oo la xidhiidha xadhig iyo tacadiyo ay dawladdii Siyaad Barre la maaganayd Muuse Biixi iyo sida uu dareemayo hadda uu Madaxweyne noqday, waxa uu u qornaa sidan;

“HAMBALYO: Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo aannu muddo dheer aqoon isu lahayn ayaa ku guulaystay Madaxweynaha Somaliland ee shanta sanno ee soo socota.

Waxaan soo xusuustay markii uu guulaystay markaan xabsiga Boolisiyo Militare ka soo daayay isaga iyo duuliye Qamariye, waxaan u howlgalay in Muuse tababar dibadda ah loo diro taasoo uu iga ogolaaday Wasiirkii Gaashaandhigu. Nasiib-daro markii uu tababarkii u soo baxay ayaa amar Madaxweynihii dalka ka yimid lagu amray in Muuse Biixi la xidho.

Markii amarkii baxay ayaa anigoo xafiiska fadhiya ayuu qof muhiim ahi ii soo galay, wuxuuna ii sheegay arrinta cusub ee Muuse khusaysa, run ahaan waan naxay laakiin go’aan degdeg ah ayaan qaatay, waxaan aaday (tagay) gurigii Muuse, albaabka ayaan garaacay, waxa iga furtay xaaskiisa, markay i aragtay way naxday maadaama aanan weligay gurigood soo gelin!! wey i soo dhaweysay, fadhiga ayaan fadhistay, waxaan idhi ‘Muuse mee?’ wuu hurdaa soo toosi!! soo kac, yaab, tolow maxaa dhacay? Si toos ah ayaan ugu idhi ‘waad xidhantay, boolis iyo milatarigiiba way kugu soo socdaan ee soo lebiso oo ina keen intaan lagu iman’!! Wuu naxay laakiin si degan ayuu go’aan geesinimo ah u qaatay! wuu soo lebistay, waananu is raacnay isagoo soo kaxaystay baabuurkiisii waxaanan ku tashanay meel cidlo ah, waxaanan isla garanay inuu si qarsoodi ah dalka uga baxo weliba isla caawa. Nasiib-darro Basaboor (Passport) ma haysto, Fiise (Vise) ma heysto, tigidh ma heysto, fasax u ku dhoofo ma heysto, lacag ma heysto, laakiin wuxuu heystaa ogolaanshiyo tababar Maraykan ah.

Waxaan ku guulaystay inaan Baasaboorkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo qaadno intaan warqad codsi ah oo dhoofitaan ah u qoro, 12:00PM ayaan gacanta ku dhignay. Muuse isagoo baasaboorkii (Passport) wata u tagay xafiiskii Iskaashiga Militeriga ee Maraykanka, wuxuu u sheegay inay caawiyaan oo ay Fise (Vise) iyo tigidh siiyaan si uu uga badbaado dhibta ku soo fool leh, wuxuuna u sheegay cidda u warka ka helay ee u soo digtay iyo siduu Basaboorka iyo warqadda fasaxa dhoofka ku helay oo qarsoodi ah!! Kolnel Short wuu naxay (sarkaalkii madaxda ka ahaa xafiiska Maraykanka), wuxuuna garowsaday khatarta sarkaalkan heysata, waxaannu u soo diyaariyey Fise iyo tigidh Maraykan ah, madaama uu heysato tababar (course) laba sanno oo Maraykanka ah.

Muuse waxaan ku idhi marka aad Maraykanka ka soo noqoto wax hel iyo wax waaba gurigayga imo (ku soo deg), intii aannu bixin waxaanan kala dardaarmay xaaskayga anigoo xaaladdana uga warramay, waxaan ku idhi ‘qolka hurdada ku qari oo yaanay cidna arkin xaaskiisa mooyee, anna xafiiskaygii iyo wasaaraddiiba kuma noqon oo meelo kale oo aan xukumo ayaan kormeer u aaday. Muuse gurigeygii ma iman ee meel kale ayuu ku dhuuntay, waanu is waynay Muuse!! Markii ay 8:30 Fiidnimo tahay ayuu Muuse gurigeygii yimid wuxuuna xaaskeyga u sheegay inay wax walba u dhamaadeen oo u madaarka u socdo hadda caawa ku qoranyahay duulimaadka. Anigoo jooga Rugta Saraakiisha (Officers club) ayey xaasku telefoon ii soo dirtay, gurigii ayaan degdeg ku imid, waxayna ii sheegtay farriinti Muuse, toos ayaan madaarka (airport) u imid waxaanan ka soo galay qaybti VIP, waxaanan u gudbay qaybta socdaalka (Immigration), mise waa Muuse oo agtayda taagan oo askarti Hangashta ee ciidanka shandada la wadaan sidii sarkaal dhoof caadi ah u socda!!! Waar Muuse miyaanay kuu dhammaan? Sarkaalkii socdaalka (Immigration) ayaa yidhi taliye maxaan qabanaa? Aniguna waxaan idhi maxaad sarkaalka kuyuuga ugu heysaan, soo dhaaf soo dhaaf, durba shaabbadii bixidda (Exit) ugu dhufay, kooxdii hangashtu markay i arkeen ayey shandadiisii la soo carareen oo hoolkii u soo gudub!!! Runtii isaga deganaansho ayaa ka muuqday laakiin anigu culays ayaan dareemaayey, 10:30 Fiidnimo ayuu rakaabkii diyaaradii fuulay Muuse-na kuwii ugu horreeyay ee diyaaradda fuula ayuu ahaa. Bannaanka hore ayaan Mareeyaha Garoonka Cabdillaahi Farmaajo isla taagay isagoo ii sheekeynaaya laakiin aan kicitaanka diyaaradda raagsanaayo, 11:00 habeenimo oo daqiiqado dhiman ayey kacday. Alxamdulillaah Alxamdulillaah!!!! Anigoo Ilaahay baryaya, laakiin dareemaya inaan dembi xaq ah galay oo aad u faraxsan ayaan soo noqday!!! Foosiya waa xaaskayge daaradda ayey taagantahay, anoon Baabuurkii ka soo degin ayey igu boobtay  ‘ma dhoofay ma dhoofay’, haa markaan idhi ayey ooyday oo aan aamusiin kariwaayay!!! marna farxad ayey la ooyeysay marna dembigiisa oo ay garanla’adahay laakiin reereysan!!!

Muuse Biixi tag isagoo $20 keliya haysta oo aan reerkiina waxba uga tegin oo aan xataa la sii dardaarmin. Alle ha nabadgeliyo.

Aroortii xafiiska anigoo fadhiya, ayaa Siciid Marino oo ah madaxa kabineetka Wasiirka Gashaandhiga uu telefoon ii soo diray oo igu yidhi wasiirkaa ku doonaya! Hore ayaan u booday oo aan xafiiskii Wasiirka galay, sadex sarkaal ayaa ku jira oo Wasiir Samatar hortaagan, salaan askareed kadib ana laynkii ayaan galay, Wasiir Samatar, waar Doolaal, Muuse Biixi ma aragtay? Haa taliye! oo mee? Wuu dhoofay taliye!! Xaggee, goorma? Maraykanka iyo xalay taliye, tababarkii (course-kii) ayuu u baxay!! Ma hubta? Haa taliye, anigaaba madaarka ka dhoofiyey!!! Ma adiga ayaaba dhoofiyey? Haa taliye! oo taliye maxaa dhacay? General Cabdillaahi Cali Cumar oo kooxdan taagan ka mid ah oo ah kii lagu amray inuu Muuse soo xidho ayaa isagoo Indho yaabban igu soo eegaaya igu yidhi  ‘waxa la amray in la xidho oo ilaa shalay toban jeer ayaa gurigiisii la tagay oo waa laga soo waayay!!! Intaan cadho iyo indho-giriirix isku daray oo aan Wasiir Samatar ku jeedsaday ayaan idhi ‘Taliye haddii Muuse la xidhayo in aannu iga fogayn oo meesha laga heli karo aan garanayo waad ogtahaye maxaa la iigu sheegi waayay? Wasiirkii intuu Ina Cali Cumar eegay ayuu yidhi ‘khalad xun ayaad samaysay, ninkaas adiga ayaa fakiyey, haddana waa in la soo celiyaa.’

Dowladda Soomaalidu waxay isku dayday inay Muuse Biixi soo celiso iyagoo u heysta in aannu waxba ogeyn oo uu si caadi ah u dhoofay, Muuse wuu diiday ileyn waa xogogaal , markaas ayey dowladdu Maraykanka ka codsatay in waxbarashada laga joojiyo laakiin Dowladda Maraykanka way diiday, madaama ay arrinta Muuse Biixi iyo xadhiga uu ka soo baxsaday iyagu wax ka soo badbaadiyeen, sidaas ayuu korneel Muuse waxbarashadiisa ku soo dhammaystay 1983-85.

Anigu 1985 waxaan joogay Akadeemiga Istaraatejiyadda Nabadgelyada Qaranka iyo Cilmi-baadhista, Qaahira, Masar. Muuse halkaas ayuu igala soo hadlay markay waxbarashadu u dhammaatay wuxuuna ii sheegay inuu Sucuudiga tagayo, laakiin muddo kadib waxaan maqlay inuu SNM ku biirey 1985.

Sheekadan waxaan uga dan leeyahay ninkii loo xidhay General Gaani ayaa idin soo dacweeyay oo yidhi ‘madaarka Hargeysa agteeda xabbad la igaga soo riday isaga (Muuse) ayaa ka danbeeyay’ ee aan soo daayay oo aan weliba tababarkii Maraykanka u dhammeeyay ee haddana amar Madaxweyne ha lagu xidho la yidhi ee aan ku khamaaray sidii dowladaydii xilka weyn aan u hayay uga badbaadin lahaa ee Ilaahayna igu asturay ayaan maanta iyo caawa la joogay isagoo Madaxweyne loo doortay.

Doonaa wuu gaadhi doonaa!!!! Madaxweyne HAMBALYO 21/11/2017.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here