Madaxwayne Siilaanyo,Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddiga Doorashooyinku oo maanta ku heshiiyay in dib Loo Dhigo Doorashada Madaxtooyada + Muddada Dib Loo Dhigay

0
965
Aqalka Madaxtooyadda Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) —Waxa maanta kulan adag oo jilbaha la isku aastay uu ku dhex maray qasriga madaxtooyada madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”guddiga komishanka qaranka Somaliland iyo waliba murashaxiinta saddexda xisbi qaran ee WADDANI,UCID iyo KULMIYE.

Waxaana kulan uu ahaa mid uu madaxwaynuhu iskugu yeedhay guddiga komishanka iyo masuuliyiinta saddexda xisbi qaran isla markaana lagaga arrinsanayey qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland oo ay isku ismaandhaafsanaayeen qabsoomideeda murashaxiinta saddexda xisbi qaran iyo waliba xaalada abaareeed ee dalka ka jirta oo wakhtigan u baahan gurmad deg deg ah  isla markaana dadkii ay abaartu saamaysay ay qaranka u saaran yihiin inay dhintaan.

Waxaana kulankan oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ay saddexda murashax ee xisbiyada,madaxwaynaha Somaliland iyo guddiga komishanku ay rog rogeen isla markaana ay ka doodeen  mudada ku munaasibka ah ee la qaban karo doorashada madaxtooyada madaama xilligan lagu jiro xilli adag oo abaareed iyo waliba sida gurmad midaysan loogu fidin lahaa dadka ay abaartu ku saamaysay deegaanada gobolada bariga Somaliland.

Waxanaa intaasi kadib ay murashaxiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,UCID iyo WADDANI ay isla meel dhigeen kuna heshiiyeen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo markii hore qabsoomideedu ku astaysnayd 28 bisha March 2017-ka,waxaana ay ku heshiiyeen in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo muddo ah Lix Bilood oo saddex iyo toban cisho ah oo ku beegan loona qoondeeyey inay qabsoonto 10 bisha October 2017-ka.

Sidoo kalena masuuliyiintan ayaa sidoo kale intii ay kulankoodu socday waxa sidoo kale ay isla meel dhigeen in gurmad deg deg ah oo loo midaysan yahay la gaadhsiiyo dadka ay abaartu saamaysay eek u dhaqan deegaanada dalka Somaliland isla markaana wakhti xaadirkan xaaladooda nololeed meel adag ay marayso una baahan yihiin gurmad iyo taakulo deg deg ah, iyo waliba in doorashooyinka golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka mar la wada qabto isla markaana la qabto 10 bisha October 2018-ka.

Heshiiskan ay maanta isla gaadheen madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” Guddiga komishanka qaranka iyo saddexda xisbi qaran ayaa ay bulshada Somaliland mudooyinkii u danbeysay si aada ugu dhag taagayeen,waxaana ay masuuliyiintani isla meel dhigeen in doorashada dib loo dhigo muddo Lix Bilood Ah.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here