Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo In uu Cabdrisaaq M Obsiye u Magacaabo Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland

0
2426
Siyaasi Cabdrisaaq M Obsiye

Hargeysa, (HargeisaPress) — isku shaandhaynta mudooyinkan danbe la hadal hayey inuu madaxwayne Silaanyo ku samayn doono golahiisa wasiirada ayaa hadda u muuqata inay marayso meel gabo gabo ah.

Wararka soo baxaya oo aan rasmi ahayn ayaa waxay sheegayaan in seefta madaxwayne Siilaanyo culayskeedu  markan ku dhici doono wasiirada kasoo jeeda gobolka Awdal oo qaarkood xilka laga qaadi doono halka xubno cusubna lagu soo badali doono.

Waxaana la filayaa inuu Siyaasi Cabdrisaaq M Obsiye uu badali doono wasiirka Wasiirka Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye.

Sidoo kalena wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinra Md Maxamuud Cabdilaahi Cige ayaa isna laga yaabaa  in xilka laga qaado ,waxaana xoguhu sheegayaan in lagu badali doono masuul khabiir ku ah wasaaraddan kaas oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu madaxwayne Siilaanyo doorkan xil ka qaadis iyo isku badal ku samayn doonaa qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee xukuumaddiisa kuwaas oo ay soo gali doonaan wajiyaal cusub.Sidoo  kalena waxa iyaguna isku badal lagu samayn doonaa badhasaabada gobolada dalka kuwaas oo qaarkood la filayo in laga dhigo wasiiro.

siyaasiga dada yar ee Cabdrisaaq M Obsiye ayaa ka mid ah Madaxda Sare ee Xisbiga Kulmiye ee dalka SWEDEN, Cabdrisaaq M Obsiye oo ah qurba jooga sida firfircoon uga qayb qaadta hawlaha horumarka Somaliland.

Cabdrisaaq M Obsiye waa nin  firfircoon aqoontiisuna aad u sarrayso kuna wanaagsan isku xidhka dadaalada horumarineed ee dhallinyarada ahna ma-daale hawl-kar ah.

Xogahan oo Shabakadda HargeisaPress.com isku dayey inuu wax ka waydiiyo afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Dayr ayaanay noo suurto galin.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here