Madaxda iyo Shaqaalaha Warfaafinta oo Olole Nadaafadeed ka Fuliyey Xayndaabka Wasaaradda +SAWIRRO

0
723

HARGEISA —Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Maxamed Muuse Diiriye oo ay weheliyeen Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa maanta ka qaybgalay olole nadaafadeed oo laga fuliyey xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Magaalada Hargeysa.

Ololahan  Nadaafadeed oo Wasaaraddu toddobaad kasta sameyn doonto maalinta Arbacadda, waxa maanta ka qaybqaatay agaasime waaxeedyada iyo shaqaale weynaha wasaaradda Warfaafinta, kuwaasi oo xayndaabka wasaaradda ka nadiifiyey xashiishkii dhex yaallay.

Siduu ku soo warramay Weriye ka tirsan Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa ololahaas ka hadlay Agaasimeyaasha waaxaha shaqaalaha iyo  TV-ga iyo  Agaasime ku-xigeenka Waaxda Idaacadda, waxaanay ka warrameen muhiimadda ay leedahay nadaafadu, waxaanay u mahadceliyeen madaxdii iyo shaqaalaha wasaaradda ee  kaalinta weyn ka qaatay Ololahan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waraafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa sheegay sheegay in ololaha nadaafaddu ka dhashay shir Wasiirku toddobaadkii hore la yeeshay Agaasimeyaasha waaxaha ee Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu ammaanay shaqaalaha ka qaybgalay ololaha koowaad ee  laga fuliyey wasaaradda,waxaanu xusay in la ganaaxi doono hawlwadeennadii  cudur-daar la’aan uga baaqday ololaha nadaafadeed ee lagu wargeliyey maalin ka hor.

Wasiir ku-xigeenka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in ololahani uu ka mid yahay qorshe maamulka sare ee wasaaraddu ku doonayo inuu ku dardargeliyo shaqada iyo waajibaadka wasaaradda Warfaafinta, waxaanu u mahadceliyey shaqaalihii wasaaradda ee u soo baxay inay wasaaradooda ka nadiifiyaan xashiishka. Waxaanu intaas ku daray in shaqaalaha hawlkar ah iyo kuwa aan shaqeyni aanay wasaaradda u sinaan doonin.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Md. Maxamed Muuse Diiriye oo soo gabogabeeyey ololahaas nadaafadeed ayaa bogaadiyey  shaqaalihii iyo madaxda kale ee wasaaradda ee sida waddaniyada leh ugu soo baxay ololaha nadaafadda, waxaanu xusay in ololahaas la joogteyn doono isla markaana wasaaradda la dhireyn doono maadaama oo ay haysato dhul aad u baaxad weyn.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu u soo jeediyey meheradaha ku teedsan xaydaabka wasaaradda inay ka guuraan deyrka Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu xusay in aanay u dulqaadanaynin xashiishka meheraduhu dhigaan gidaarrada wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye wuxuu hambalyeeyey shaqaalaha Wasaaradda oo si xilkasnimo ah u guray xashiishkii wasaaradda dhex yaallay, waxaanu tilmaamay in diintu dhiirigelisay ilaalinta nadaafadda deegaanka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA GUJI SI AAD U DAAWATO 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY