Itoobiya: Xildhibaanno Xasaanad Laga Qaaday oo Jigjiga Lagu Xidhay

0
572
Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya

Jigjiga (Hargeisa Press)- Laba xildhibaan oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa xabsi la dhigay ka dib markii shalay laga qaaday xasanadii, Sida uu xaqiijiyay Cabdiwali Jaamac Ibraahim oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Xildhibanada xasaanada laga qaaday ayaa la kala yidhaa Nasradiin Canab iyo Farxaan Cabdi Maajuun. Baarlamaanka ayaa hore dhowr goor isugu deyay in xildhibaanadaas xasaanada laga qaado balse way suurageliweyday.

Waxaa lagu eedeeyay falal dambiyeedyo kala duwan oo ay ka mid yihiin kicin bulsho iyo dad la-laayay, sida uu baahiyay telefeshinka deegaanku.

Waxaa soo eedeysay Xeer Ilaaliyaha guud ee Itoobiya, waxaana la filayaa in dacwadooda lagu qaado maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Guud ee dawlad Deegaanka Soomaalida.

Xeer ilaaliyaha Dowladda deegaanka Soomaalida wuxuu sheegay in ay jirto dacwado ay diyaarinayaan oo ka dhan ah dadka ay faderaalku dacwadaha ku soo oogayaan.

Xildhibaanada Dawlad Deegaanka ayaa kulankii kan ka horeeyay ku diiday xasaanad ka qaadida labadan xildhibaan.

“Wali ma dhicin xildhibaano xasaanad laga qaadayo oo intaas jiitanta, oo heerkan soo gaadha oo cadaymo loo raadiyo wali ma dhicin,” ayuu yidhi Gudoomiyaha baarlamaanka Deegaanka Somaalida Cabdi Maxamed Aadan.

“Gudiga baarlamaanka ee arimaha sharciyada ayaa waaxda cadaaladda waydiistay cadaymaha eedaymaha loo haysto xildhibaanada, cadaaladdii waxay u soo direen dad khabiiro ah, way hor fadhiisteen, su’aal walba sidii iyagoo maxkamad jooga ayay uga jawaabeen,” Ayuu intaas ku sii daray Gudoomiyahu Cabdi.

Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin kale ayaa mudo sanad ka badan ku xidhan magaalada Addis Ababa, iyaga oo laga qabtay Jigjiga.

Waxaa loo haystaa dhibaatadii ka dhacday Jigjiga afartii Agoosto. Tan iyo markii xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya uu bilaabay in uu dacwado ku soo oogo dad Soomaali ah waxaa la iswaydiinaya.

sababta maxkamadaha jigjiga loo adeegsan la’yahay daba raaci inta waxaa lays waydiinaya ee qoralka ugu danbeeya sababta maxkamadaha jigjiga loo adeegsan la’yahay, daba raaci oo ku xidhiidhsii inta waxaa lays waydiinaya ee qoralka ugu danbeeya, way isku xidhiidhsan yihiine.

BBC

Hamse Jire – HargeisaPress News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here