Madaxda Haayadda OCHA Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Abaarraha Somaliland

0
273

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida Gurmadka Abaaraha qaran ee Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay madax ka socotay haayadda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Somaliland waxaa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ku wehelinayay xubnaha guddidu abaaraha qaranka somaliland.
Sida lagu sheegay war kooban oo ay madaxtooyadda Somaliland ka soo saartay kulankaasi ayaa lagu sheegay in kulankan maanta uu hordhac u yahay kulan ballaadhan oo ay toddobaadka soo socda guddida gurmadka abaaruhu la yeelan doonaan dhammaanba madaxda haayadaha madaxa bannaan ee dalka Somaliland ka hawl gala.

Waxa kaloo warkaasi lagu sheegay in kulankaasi la iskaga xog waraystay sidii qorshe nidaamsan loogu samayn lahaa hawlaha gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ku tabaaloobay abaaraha dalka jira Somaliland.
Dhinaca kale guddida Gurmadka Abaaraha qaranka ee Somaliland 13-kii bishan ku dhawaaqay inay dalka ka jirto xaalad abaareed oo baahsani.
Waxaanay shaaciyeen in ay abaartaasi saamaysay dad tiradoodu gaadhayso 810,000 (Siddeed boqol iyo toban kun) oo qof, kuwaasoo gurmad deg deg ah u baahan.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here