Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Beesha Xildhibaannadii Lala Xidhiidhiyay Jabahdda Gobolka Awdal oo La Kulantay Badhasaabka

0
803

Boorama (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta magaalada Boorama ay kulan xasaasiya ku yeesheen mid kamid ah beelaha dega gobolada galbeedka Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Awdal.

Kulankan ayaa waxa uu dhexmaray Badhasaabka gobolka iyo beesha Reer Nuur, iyadoona lagaga wada-hadlay kulankaasi sidii loo dajin lahaa xaalada amaanka guud ee gobolka Awdal.

Kulankan maanta ayaa waxa uu daba socdaa kadib markii ay soo shaac baxday in Jabhad hubeysan ka dilaacday deegaanada Dilla, midaasi oo lala xidhiidhinayo haybta beeshan uu maanta la kulmay Badhasaabku.

Kulankan oo ahaa mid xasaasiya, isla markaana dhamaan ay warbaahintu dibad joog ka aheyd, ayaa waxaan marnaba lagu soo hadal qaadin xadhiga Xildhibaanadii ama sii-deyntooda, kuwaasi oo ay xukuumada Somaliland u xidhay Jabhadaasi oo beel ahaan kasoo jeeda beeshan, sida ay Shabakada Hargeisa Press u xaqiijiyeen xubno goobjoog ahaa.

Xildhibaanadan ayaa Xukuumada Muuse Biixi waxay xabsiga ugu taxaabtay, kuna eedeynaysaa inay maal-galin iyo raashin u geeyen Jabhadan cusub ee ka dilaacday gobolada bariga Awdal.

Kulankaasi ayaa waxa uu u daarna sidii Beesha reer Nuur ay xukuumada gacan uga siin laheyd sidii ay u kala diri lahaayen wax ay ugu yeedhen ‘Dhalinyarada Hubeysan’ oo ay ula jeedaan ‘Jabhadan cusub’ ee ka dilaacday deegaanadaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay jahwareer siyaasadeed oo dhanka amniga ah uu ka jiro gobolka Awdal, iyadoona lagu soo waramayo in Jabhadii Suldaan Wabar ay soo gaadhay deegaano kamid ah gudaha gobolka Awdal, oo qiyaastii dhanka waqooyi u jirta magaalada Boorama 60-KM.

 

Hargeisa Press.com/Boorama Office.

LEAVE A REPLY