Macron oo Ka Adkaaday Haweeneydii Xagjirka Ahayd Ee Marine Le Pen

0
808

Paris (Hargeisa Press) Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa markii labaad ku guuleystay madaxtinimada dalka Faransiiska, isagoo Axadii maanta ka adkaaday Marine Le Pen, oo ah haweeneydii la tartamaysay ee midigta fog.

Emmanuel Macron, ayaa kaga adkaaday Marine Le Pen oo ah musharraxa xisbiga midig-fog ee National Rally Party doorasho ku celis ah, isaga oo Macron helay 58.5 boqolkiiba codadka, halka Ms. Le Pen ay heshay 41.5 boqolkiiba.

Guusha Emmanuel Macron, ayaa aad uga yarayd tii 2017, markaas oo u helay codad gaadhaya 66.1 boqolkiiba.

Isagoo la hadlayay dad isugu soo baxay Champ de Mars oo ka soo horjeeda Tower Eiffel, Macron ayaa sheegay in uu guul u yahay “France oo xor ah iyo Yurub xooggan.” Islamarkaana waxa uu qiray “xanafta la muujiyay” intii lagu jiray olole qadhaadh iyo in uu waajib ka saaran yahay “inuu si hufan uga jawaabo.”.

Ms. Le Pen, waxa ay qiratay guul-darradii isku daygeedii saddexaad ee ay ku doonaysay inay madaxweyne ka noqoto Faransiiska, balse waxay si qadhaadh u dhaleecaysay “hababka arxandarada iyo rabshadaha” ee Mr. Macron.

Waxay wacad ku martay inay u dagaallami doonto sidii ay u heli lahayd tiro badan oo wakiillo ah doorashooyinka sharci dejinta ee bisha June, iyadoo ku dhawaaqday in “Dadka Faransiiska caawa fiidkii ay muujiyeen rabitaankooda ah inay awood xooggan u yeeshaan Emmanuel Macron.”.

“Weligay kama tagi doono Faransiiska,” ayay u sheegtay taageerayaasheeda oo ku dhawaaqayay “Marin! Marine!”

Wakhti xasaasi ah oo ay dagaaladu ka socdeen Ukraine ka dib duulaankii Ruushka, Faransiisku wuxuu diiday musharax ka soo horjeeda NATO, Midowga Yurub, Mareykanka, iyo qiyamka aasaasiga ah ee haysta inaan muwaadin Faransiis ah la takoorin. waayo waa muslimiin.

Jean-Yves Le Drian, wasiirka gaashaandhigga, ayaa sheegay in natiijadu ay ka tarjumayso “abaabulka dadka Faransiiska ee ilaalinta qiyamkooda iyo ka soo horjeeda aragtida cidhiidhiga ah ee Faransiiska.”

Guusha aan caadiga ahayn ee Mr. Macron ee xaqiijinta shan sano oo dheeraad ah oo xukunka, ayaa ka tarjumaysa maamulkiisa wax ku oolka ah ee dhibaatada Covid-19, dib u soo celinta dhaqaalaha iyo awoodiisa siyaasadeed ee uu ku qabsaday guud ahaan xarunta siyaasadda.

Ms. Le Pen waxa ay muddo dheer la dhacsanayd Madaxweyne Vladimir V. Putin ee Ruushka, oo ay ku booqatay Kremlin-ka ololaheedii ugu dambeeyay ee 2017. Waxa hubaal ah in ay ku dhaqmi lahayd siyaasado wiiqay hufnaanta xulafada si ay Ukraine uga badbaadiyaan weerarka Ruushku uu soo bandhigay.

Olaf Scholz, hogaamiyaha Jarmalka, ayaa ku dhawaaqay in guusha Mr. Macron ay tahay “codka kalsoonida ee Yurub.”.

Boris Johnson, Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, ayaa u hambalyeeyay hogaamiyaha Faransiiska wuxuuna ugu yeedhay Faransiiska “mid ka mid ah xulafada noogu dhow uguna muhiimsan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here