Mac-had lagu baran-doono culuumta bangiyadda iyo maaliyadda oo laga hirgeliyey Somaliland

0
1052

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bangiga dhexe ee Somaliland, ayaa waxaa uu maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay Mac-had lagu baran doono culuumta bangiyada iyo arrimaha la xidhiidha maaliyadda.

Daah-furka munaasibada, ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, madaxda bangiga dhexe, wasaaradda maaliyadda, masuuliyiinta bangiyadda gaarka loo leeyahay, aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

Madaxdii kala duwaneyd ee ka qayb galay daah-furka mac-hadkan, ayaa siyaabo kala duwan uga waramay muhiida mac-hadkani u leeyahay dalka, dadka iyo weliba baahida loo qabay.

Waxaanay si qoto dheer u faahfaahiyeen ahmiyada mac-hadkani u leeyahay nidaamka bangiyadda iyo adeegyadda maaliyadeed ee dalka iyo sida uu horumarka dalka uga qayb qaadanayo.

Sidoo kale, Mac-hadkan oo markii ugu horeysay laga hirgaliyey Somaliland, ayaa ujeedada loo aasaasey tahay, in uu kobciyo ama uu dhiso aqoonta iyo xirfada cuduuda shaqaalaha mu’asasaadka iyo hay’adaha maaliga ah ee dalka.

Mac-hadkan, ayaa waxaa uu wax weyn ka tari doonaa baahiyihii loo qabay culuumta bangiyadda iyo nidaamka maaliyadeed ee dalka Somaliland.

Waxaana mac-hadkan laga isticmaalaa dalalka adduunka, iyadoona ay bangiyadda dhexe ee wadamada caalamku qaarkood ay leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here