Maayir Mooge oo La Shaaciyay Inuu Kamid Yahay Golaha Dhexe Kulmiye

0
1490

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge uu ka mid yahay xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Cabdinaasir Buuni oo u waramayay Warbaahinta Dowladda Somaliland, ayaa waxaa uu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye yahay xisbiga kaliya ee ay sugantahay xubnaha Golaha Dhexe.

Cabdinaasir Buuni oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge waa xubin ka mida golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, maanta kama mid noqon golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu ka mid noqday Golaha Xisbiga Kulmiye Cabdikariim Axmed Mooge markii uu noqday Maayarka Magaalada Hargeysa labo sanno ka hor. maalintii la aasaasay ilaa Maanta Xisbiga Kulmiye waa Xisbiga kaliya ee ay sugantahay ee la yaqaano xubnaha Golaha Dhexe,qof kastana waala yaqaanaa Maalintii uu ku soo biiray Xisbiga Kulmiye”.

Afhayeen Cabdinaasir Buuni, ayaa waxaa uu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye yahay ka ugu taageerada badan dalka Somaliland.

”Xisbiga Kulmiye waa xisbi dhawr iyo labaatan sanno jira,waana xisbigu ugu wayn dalka awood ahaan iyo taageero ahaan iyo guulaha uu xaqiijiyay.waa xisbiga kaliya ee labo jeer ku guulaystay talada dalka,waana xisbiga Kulmiye waa mid ku suntan qaranimada Somaliland”. ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here