Dagaal Dhexmaray Ciidamo Kawada Tirsan Soomaaliya

0
1015

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dagaal xoogan oo ku dhawaad 10 saacadood socday, ayaa waxaa uu xalay xaafado ka tirsan degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Soomaaliya.

Wararka, ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhexeeyay ciidamo milateri ah oo uu wato Generaal lagu magacaabo Sheegow oo tirsan milateriga Soomaaliya iyo ciidamada xaslinta caasimada Muqdisho ee loo yaqaano Boolis milataaro.

Dagaalka, ayaa la sheegay inay qayb ka ahaayeen ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo isku geedaamay halka uu dagan yahay General sheegow oo isna ciidamo badan ku haysta halka loo yaqaano Haanta Madow oo ka tirsan xaafadda Kaawa Godey.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Boolis Milataaro ay ku baxeen dhibaato la sheegay in ciidamada uu wato sarkaalkan ay ku hayeen dadka deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka.

Geesta kale, Afhayeenkaa ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe, ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalkaas xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada xaslinta Caasimadda iyo ciidan ka amar qaadanayay sarkaal hore oo ka tirsaan ciidanka Soomaaliya.

Afhayeenka, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen Sheegoow Maxamed Cali oo ahaa sarkaal hore oo ka tirsaan ciidanka Soomaaliya iyo 18 ka mid ah ciidankiisa. Waxa uu sheegay in ciidamada Sheegoow ay billaabeen dagaalka.

“Cid kasta oo isku dayda inay khalkhal gelisyo amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda, gacanta ayay ku soo dhigayaan ciidanka xaslintu” ayuu yidhi afhayeenka booliska Soomaaliya.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka oo muddo saacado ah socday, ayaa Afhayeenka Booliska Soomaaliya ku shegay saddex askari oo dhimasho ah oo laba ka mid ah ahaayeen ciidanka Sheegoow, halka kan kale uu ka tirsanaa ciidamada ammaanka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay in 7 ka mid ah ciidamada sarkaalkii hore ay ku dhaawacmeen dagaalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here