Golaha Deegaanka Burco Oo Doortay Maayar Cusub

0
251

Burco (HP): Xildhibaanadda golaha deegaanka Burco, ayaa maanta xilalkii ka qaaday maayarkii, iyo maayar ku-xigeenkii magaaladda Burco.

Kadib fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta xubnaha golaha deegaanka Burco ku yeesheen xarunta badhasaabka gobolka Togdheer.

Waxaana fadhigaasi xilalkii lagaga qaaday maayarkii magaaladda Burco, /rasaaq Ibraahim Cabdi, iyo maayar ku-xigeenkiisii, iyadoo na cod gacan taag ah ay 7 xildhibaan ugu codeeyeen in maayarka xilka laga qaado.

Waxaanay isla fadhigaasi maayarka cusub ee Burco ugu doorteen Maxamed Xirsi Axmed (Maxamed Case), halka maayir ku-xigeenkana loo doortay Suldaan Nuux Jaamac.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here