Maayarka Laascaanood Oo Ka Hadlay Dab Qabsaday Dooxadda Ooda-gooye

0
755

Laascaanood (HP): Maayarka Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Cabdicasiis Maxamed Xuseen Taarwale, ayaa shaaciyey inay xalay 11-kii habeenimo ku guulaysteen inay bakhtiiyaan Dab qabsaday Dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood.

Maayarka Laascaanood oo u warramay Warbaahinta Dawladdu waxa uu u mahadceliyey Maamulka degmada, ka gobolka, Ciidammada Ammaanka iyo shacbiga Laascaanood oo ka qaybgalay gurmadkii lagu bakhtiiyey dab shalay iyo xalay saddex jeer ka kacay dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood.

Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxa uu intaas ku daray in ciidammada ammaanku ay baadhayaan sababtii uu dabku u qabsaday dooxadaas oo baaxadeedu dherer tahay 20km, waxaanu u mahadceliyey shacbiga iyo laamaha dawladda Gobolka Sool oo aan u kala hadhin damintii dabkaasi.

Dhinaca kale maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxa uu soo dhaweeyay, isla markaana uu ku ammaanay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta inay baahinta Radio Hargeysa soo gaadhsiiyeen magaalada Laascaanood.

Waxaanu xusay inay kaalin weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada reer Laascaanood oo uu tilmaamay inay u jeellanaayeen dhegaysiga idaacadda Radio Hargeysa.

Hargeissa Press.com/Hargaysa Office.

Xigasho SOLNA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here