Maayarka Laascaanood Oo Fariin U Diray Bulshadda Magaaladaasi

0
594

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed, ayaa uga digay bulshadda magaaladaasi in ay ka fogaadaan meelaha biyo mareenadda ah maadaama oo la galay xili roobaadkii Gu’ga.

Waxaanu maayarku bulshadda ku wargeliyay in sidoo kale ay ka dadweynuhu ka fogaadaan meelaha ay ku xidhan yihiin ama ay maraan Xadhkaha Korontadu, si haddii ay dabaylaha roobku u soo ridaan aanay dadka waxyeelo u gaadhsiinin.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ku wargelinayaa bulshadda magaaladda Laascaanood, meelaha biyo-mareennada ah iyo koronta. Maadaama oo la galay xiligii roobabka Gu’ga”.

“Alle SWT raxmaad khayr qaba oo aan cidna wax yeelin ha ina siiyo, abaarihii iyo biyo la’aantii baahsanayd ee ina haysatay aan kaga raysano”ayuu ku yidhi maayarka Laascaanood qoraal koobaan oo ogaysiis ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Geesta kale, roobabka Gu’ga ayaa ka curtay deegaamo badan oo ka tirsan goboladda Somaliland iyadoo labadii maalmood ee u danbeeyay ay roobab lagu qabawsaday ka da’een.

Roobabka Gu’ga ee curtay ayaa ku soo beegmaya xili ay dalka ka taagnayd xaalad abaareed iyo mid biyo la’aaneed oo saamayn xun ku keentay dadka iyo duunyadaba.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here