Gabiley: Hal Qof oo Ku Geeriyooday Berkad Uu Ku Dhacay

0
710

Gabiley (HP): Alle haw naxariistee hal qof ayaa maanta ku geeriyooday Barkad ku taala tuulada Carro-yaambo oo ka tirsan gobolka Gabiley.

Ciidanka Dab-demiska caasimadda Hargaysa, ayaa si deg dega ugu gurmaday ninkaasi Berkadda ku dhacay.

Waxaana la sheegay in ninkaasi uu Berkada ku dhacay maanta gelinkii hore cabaarro 9:12 Subaxnimo.

Hase yeeshee Maydka ayaa ku jiray Barkada wakhti dheer, iyadoo na ay markii danbe Maydka Berkada ka soo saareen ciidamada Dab-demisku.


Sidaasina waxaa lagu sheegay war ay dhacdadaasi ka soo saareen ciidamadda Dab-demiska Hargaysa, oo ninkaasi Berkada ku geeriyooday u gurmaday.


“Intaa kadibna ciidanka Dab-demiska ayaa ku wareejiyay Ciidamada Dambi-Baadhista Booliska gobolka Gabiley, iyadoo la geeyay Cusbitaalka magaalada Gabiley.

Marxuumka ayaa magaciisu ahaa Cabdiraxmaan Ismaaciil Xasan, da’adiisuna ahayd 35 Jir” ayaa lagu yidhi warka ay soo daareen dab-demisku.

Geesta kale ciidamadda dab-demiska ayaa faah-faahin ka bixiyay qaabkii loogu soo wargeliyay dhacdadaasi, iyo sidii ay uga hawl galeen.

Waxaana warkaasi lagu yidhi “Ninka ayaa Barkada Habeenimadii xalay ku dhacay, waxaana ciidamada Dab-demiska lagu soo wargeliyay Subaxnimadii saaka 9:12. Hadaba Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa in goor hore la soo sheego gurmadka.

Hargeisa Presss.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here