Maayarka Berbera Oo Awood Ku Boobaya Dhul Ay Leeyihiin Qoysas danyar ah

0
1086

Berbera, (HargeisaPress) —Maayarka magaalada Berbera oo maalmihii u danbeeyey lagu eedaynaayey falal nabadgalyo daro ka abuuri kara magaalada oo uu isagu abaabulaayo isagoo isla markaasina la sheegay inuu faasaxay qaybo ka mida dhulka Hotelka Qadiimka ah ee Dul-cariish oo ah bogcad mudo ka badan nus qarni ay mulkiyadiisa lahaayeen Qoyska reer Xaaji Cilmi Nuur oo ah qoys ka caan ah deegaanka Berbera isla markaasina ah qoys culimo ah oo ixtiraam iyo karaamo badan ku dhex leh guud ahaan Qaranka Somaliland .

 

Arinta kusaabsan boobka Maayar Cidin ee hantida Ummadda oo maalmihii u danbeeyey aad looga dhex arkaayey Warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa waxa eedo culus Maayarka Saxaafada u mariyey Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi oo ah masuulka qoyska leh mulkiyada dhulkan, Isagoo isla markaasina sheegay in Maayarku boob cadaana ula soo badheedhay hantidoodii, dhulkan oo ay sharciyadiisa haysteen mudo ku siman ilaa 1950-gii xiligii gumaystuhu dalka haystay isla markaasina ay meeshu ahayd hudheel qadiima oo caan ah isla markaasina bulshada reer berbera ay ka wada dharagsan tahay cida iska leh mulkiyadiisa.

 

Arintan oo falal nabadgalyo daro oo baahsan ka abuuri karta magaalada ayaa ilaa hada aanay ka hadal masuuliyiinta Xukuumada ee heer gobol iyo heer Qaran toona .taas oo habeenimadii xalay ay dhagax iyo ciidii.

 

Sayid Muxamed ayaa sidoo kale baaq u diray Xukuumada iyo Bulshada reer Somaliland-ba in wixii dhibaato ah ee ka yimaada boobkaas uu ku hayo Maayar Cidin in uu masuul ka yahay Maayarku.

 

la Soco…

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here