Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera Oo Bulshadda Ugu Hanbalyeeyay Xuska 18-ka May

0
586

Berbera ((HP): Maareeyaha Haamaha kaydka Shiidaalka ee magaaladda Berbera ayaa guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda ku hanbalyeeyay xuska maalinta qaran ee 18-ka May.
Xasan Axmed Ibraahim (Embassy), oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Berbera waxa uu sheegay inuu goob joog u ahaa maalintii gooni isku taaga Somaliland lagaga dhawaaqayay magaaladda Burco, sanadkii 1991-kii.


Waxaanu ka warbixiyay farqiga iyo kala duwanaanshiyaha xaaladii uu wadanku maalintaa ku sugnaa iyo maanta halka uu marayo.
Maareeyaha Haamaha kaydka Shiidaalka Berbera ayaa si gaara hanbalyo ugu diray madaxda qaranka oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka, goleyaasha wasiirrada iyo baarlamaanka iyo ciidamadda kala duwan iyo shacabkaba.


Dabaal-dega xuska 30-guurrada ka soo wareegtay markii Somaliland gooni isku taageedda ku dhawaaqday awgeed.
Sidoo kale Xasan Embassy, waxa uu hambalyo taa la mid ah u diray maamulka gobolka Saaxil, ka degmadda Berbera, iyo shaqaalaha kala duwan ee Haamaha kaydka Shiidaalka Berbera.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here