Maareeyaha Dekeddaha Somaliland oo ka hadlay dhismaha Dekeddaha Berbera, Maydh iyo Jidka Berbera Corridor

0
1199

Hargeysa, (HargeisaPress)— Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa ka hadlay dhismaha Dekedda Berbera iyo waddada dekeddaas ku xidhaysa dalka Itoobiya (Berbera Corridor), isagoo sidoo kale caddeeyey in lacag dhan $4 milyan oo doollar lagu maalgelinayo dekedda Maydh ee Gobolka Sanaag.

Maareeye Siciid Xasan Cabdillaahi oo khudbad ka jeediyey xaflad qaddo-sharaf ah oo qurbo-joogga Somaliland ee dalka Ingiriisku ugu sameeyeen magaalada Birmingham, waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey mashruuca dhismaha dekedda Berbera.

“Heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee aan anigu Somaliland u saxeexay, Itoobiyana uu u saxeexay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide oo markaa ahaa Wasiirkii Gaadiidka, dhinaca DP World-na uu saxeexay Guddoomiyaha Shirkaddaas Suldan,  waanu hirgalay, Maamulka Dekedda oo dhan  ma maamusho DP World, balse waxay maamushaa roggista iyo rarista. Maalgelintina way socotaa oo waxa jira qalabyo aasaasiya oo ay ku soo kordhiyeen, waxananu jecel-nahay in aannu bulshadeena la waddaagno wax kasta oo soo kordha,” ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland.

Waxaannu intaas ku daray; “Toddobaadkii dhammaaday ee aan ka soo maqnaa waxa dekedda yimi oo soo gaadhay Berbera wiishashka waaweyn ee socda (mobile cranes), waxanay qabanayaan shaqo culus. Waayo? Xilliyada dabayshu jirto shaqadu way istaagi jirtay oo Markabku wuu ruxmayaa, markuu ruxmana roggistiibaa yaraan-jirtay oo qaylo ayaa ka soo yeedhi jirtay, sidaas daraadeed markii la qiqaasay barxadda dekeddeena, waxa la keenay iyadoo weliba lagu soo qiyaasay miisaanka ay qaadi karaan, si aanay dekeddeena waxyeelo innooga gaadhin.”

Waxa kaloo uu Maareeyuhu caddeeyey inay dekedda cusub ee Berbera ay dhammaanayso bisha August ee sannadka 2020, haddii Ilaahay yidhaahdo, waxaannu yidhi; “Heshiiska dhismaha Dekedda Berbera, waxa uu yahay in dekedaas lagu dhammeeyo 22-tan bilood, oo ka bilaabanta maalintii la dhagax-dhigay, waxaynanu muddadaas 22-ka bilood ka sugaynaa inay ku dhammaystiraan Dekedda, waanu socdaa qorshihii wajiga koowaad, bil kastana shaqo ayaa la qabanayaa, waanaannu ku dabo-galaynaa. Waxaanu dhammaanayaa bisha Sebtember 2020-ka oo Dekedda cusub ay Somaliland muftaxeedu la wareegi doonta Insha Allaah.”

Maareeyaha Dekedaha Somaliland, ayaa dadka qurbo-joogga ah u sheegay in shaqo-abuur badan laga helo doono dhismaha Dekedda Berbera, waxaannu yidhi; “Dhinaca shaqo-abuurka, shirkadda ku guuleystay dhismaha mashruuca dekedda Berbera, waxay hadda ka soo guurtay dalka Musembiik (dalka Mozambique ee Koonfurta Qaaradda Afrika) qalabkiina qayb way soo ra’ratay, intaas kalena wuu soo socda, Shirkaddu waxay wadataa shaqaale-khibrad leh oo ah Team (koox) isku xidhan oo shaqada isla garanaya. Hase-yeeshee dowlad ahaan waxaannu saarnay culays badan oo ah in dadku shaqo ka helo, waanay imanaysaa oo muruq-maalka iyo gaadiiidka iyo waxyaabo kaloo badan oo shaqo ah baa in muwaadiniintu ka helaan ayaan filaynaa Insha Allaah.”

Dhinaca kale, waxa Maareeyuhu ka hadlay dhismaha mashruuca waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya (Berbera Corridor), waxaannu yidhi; “Mashruuca Berbera Corridor-ka, horta anigu maan-joogin markii la dhagax-dhigayey, laakiin Madaxweynaha qarankeena Mudane Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Cagjar, iyo dowladda aynu saaxiibka nahay ee Imaaraadka Carabta, ayaa wada dhagax-dhigay, Insha Allaahna wuu guuleysnayaa mashruucaasi, waxaanan jecelahay inaan ummaddeena u kala caddeeyo in Shirkadda DP WORLD  aanay jidkaas (Berbera Corridor) dhisayn, balse waxa inoo dhisaya dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta, waxaana innooga masuul ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Wakaaladda Waddooyinka qarankeena Somaliland waddadaas iyo garoonkii Diyaaradaha ee Berbera-ba.”

Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aallo ay halkaas ku weydiiyeen qaar ka mid ah qurbo-joogga, iyadoo ay su’aalahaasna ka mid ahayd; “Maxay dowladda Itoobiya innagula shuraakoowday, ma inay meesha uun wax marsato?, waxaannu Maareeyuhu kaga jawaabay; “Heshiiska ayey ka mid tahay in Itoobiya ay badeecadaheega u soo degaya ay soo marsato 30% dekeddeenna, waxayna bixinaysaa wixii saamigeeda ah ee kaga soo beegma maalgelinta.”

Su’aasha labaad ee la weydiiyey waxay ahayd; “Mashruuca Berbera Corridor-ka waxa durba soo baxaysa waddadii hore ayuunbaa la hagaajinayaa ee maxaad arrintaas ka ogtahay? Waxaannu Maareeyuhu ku jawaabay; “Ta Waddada xog aad u badan kama hayo, laakiin waxa aan ka mid ahaa dadkii ku ololleynayey ee lahaa Deked bilaa waddo ahi ma shaqaynayso, Madaxweynaha qaranku in badan ayaanu ka wadahadalnay, culays badana wuu saaray Madaxweynuhu waddaadas, inay isku waqti dhammaadaana waa sida qorshaha Xukuumaddeenu yahay Dekedda iyo Waddadu. Dekedda Berbera waxay ku taala marin-biyood caalami ah, waxanaynu u baahanay in aynu soo jiidano Maraakiibta 35000 (shan iyo soddon kun) ee markab ee mara biyaha, waa in aynu soo jiidanaa, waxaynu ku talo-jirnaa in aynu soo leexino, si looga helo adeegyo, ayaanu ku hawlan nahay oo ay xaataa soo galaan magaalada oo seexdaan ama ka adeegtaan. Sidoo kale, waxaynu ku talo-jirnaa in aynu bixino adeegyada ay u baahan yihiin Maraakiibta 4000 (afarta kun) ee tan ah, qorshahayaguna waa in la dhammaystiraa adeeg kastaa oo Dekedi yeelan lahayd. Waayo? Deked bilaa wado ahi micno ma samaynayso.”

Maareeyaha oo ka jawaabay su’aal ahayd; “Ma jiraan dekeddo kale oo laga dhisayo Somaliland, una qorshaysan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, mise dekeddan Berbera ayuun baa la dhisayaa? Waxa uu yidhi; “Sidoo kale, waxa jira Dekedo kale oo la bilaabayo, waxaanna ka mid ah Dekedda Maydh oo imminka dhismaheeda la samaynayo, lacagta ku baxaysana waxa laga bixinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF-ta oo ilaa $4 milyan oo doolar ah, markaa iyadana waa la bilaabaya Insha Allaah.”

Maareeyaha Dekedaha Somaliland, ayaa kula dardaarmay bulshada qurba-jooga ah iyo kuwa kale aqoonta lehba inay ka wada-qaybqaatan sidii Somaliland loo horumarin lahaa, si loo gaadho dowladaha horumarka ku tallaabsaday ee Caalamka.

“Dadkeena qurbaha-joogta iyo shaqsi kasta oo reer Somaliland ah oo aqoon lehba waxa ku waajiba inuu ka shaqeeyo sidii dalkeenu u horumari lahaa, innagoo mid ahna aan ku gaadhi lahayn ummaddaha horumaray, waxanan idin leeyahay dhammaanteen xil ayaa innaga wada saaran horumarinta dalkeena Somaliland, markaa yaaynaan isku eegin hawlaha horumarka dalka Somaliland,” ayuu yidhi Maareeyaha Dekeddaha Somaliland.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here