Dhambaalada Michael Rubin oo Dhimbiil ku Noqday Dhillow-yahanka Soomaaliya!

0
1343
Michael Rubin

Michael Rubin oo ah xeel-dheere hore ugu soo shaqeyn jiray Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, haddana ka hawlgala Mac-hadka Maraykanka ee la yidhaahdo American Enterprise Institute (AEI), ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyey daabacay maqaallo ku soo baxay warbaahinta caalamiga ah oo uu kaga deyriyey dowladnimada maqaar-saarka ah ee Soomaaliya iyo sida beesha caalamku ugu hungowday dedaalladii iyo dhaqaalihii ay geliyeen Soomaaliya oo ka dhigan ‘Biyo Col-dhaanshay.’

Qormooyinka Michael Rubin ayaa ka cadhaysiiyey maamulka qaadhaan ku noolka ah ee Soomaaliya oo sida dhilow-yahanka aan iskood isku taagi karin, illaa sida carruurta oo kale masaasad lagu jallo, waxaana madaxda Villa Soomaaliya dhabankoodu dhulka qabtaa marka Ciidammo shisheeye isku deyraan ee ay dhufaysyada ka hor-qotaan. Taasi oo shaanshaan ka tuurtay riyada ah in Soomaaliya yeelato ciidammo qaran oo la isku aamini karo.

Michael Rubin Muxuu Sheegay:

Michael Rubin wuxuu 26kii bishii hore ee February 2019 qoray faallo ku saabsanayd in Siyaasadda Maraykanku ka leeyahay Afrika aanay ka maarmi karin Somaliland oo ah qaran madax-bannaan oo uu ku sifeeyey mid ka mid ah dalalka ugu nabdoon ee ku yaalla Afrika, wuxuuna si waaqiciya isku barbar-dhigay sida ay u kala duwan yihiin dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo nabadgelyo ahaan iyo dowlad ahaanba aad u kala fog, iyadoo  midina ay ku tiirsan tahay qaadhaan aan waxtar u yeellan oo dibadda looga soo yaboohay  iyo Somaliland oo dowladnimadeedu ku kaalin-gashay  cashuurta ummaddeeda laga qaado. Waxaannu ka hadlay sida Somaliland aanay waxba uga helin kaalmada Soomaaliya la siiyo.

Wuxuu intaas ku daray in Maraykanku uu lacag badan siiyo Soomaaliya, isla markaana cuddud millatari la garab istaagay, hase yeeshee Xukuumadda Soomaaliya aanay gaadhin masaafo aan ka fogeyn madaxtooyada Muqdisho, marka la eego dhulka ay maamusho.

Mr. Michael Rubin wuxuu ku dooday in ay la-dagaalanka Argagixisadda iyo dagaalka ka socda Yeman uu kor u qaadayo istaraatajiyadda iyo muhiimadda Somaliland, waxaanu  ugu  baaqay  Maraykanka inay wax la qabataan Somaliland oo ay ka furtaan  xafiis magaalada  Hargeysa.

Khabiirku wuxuu iftiimiyey  in Soomaaliya ay haysato koobka musuqmaasuqa dunida, taasi oo ah mid aan cidna ka qarsoonayn in musuqmaasuqa ku xiddidaystay Soomaaliya uu sababay  in dhowaan wax ka beddel lagu sameeyey xeerkii Baanka Dhexe, si Guddoomiyaha Baanka loogu magacaabo nin ajanabi ah oo dib u soo celiya kalsoonida bulshada caalamka ee meesha ka baxday. Waxa kale oo aan malo-awaal aheyn fadhiidnimada Xukuumadda Muqdisho oo ku hagaastay halkii ay ku kuftay 30 sanno ku dhawaad ka hor.

Waxa dhambaallada Michael Rubin u marag fureen heestii aheyd ‘Soomaaliya waa mashruuc’ ee uu alifay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle.

Warbaahinta Soomaaliya:

Waxaa cadhada Villa Soomaaliya afhayeen uga noqday shabakadaha reernimada ku caashaqsan maamulka Farmaajo, kuwaasi oo faallooyin marin-habaabin iyo xajiimayn ah kaga jawaabay xaqiiqda uu khabiirkaasi soo bandhigay, kuwaasi oo la shir yimid in Somaliland maalgelisay ninkaas oo ay ku eedeeyeen inuu taageero siyaasadda Israa’iil ee Maraykanka dhexdiisa, waxaanay Somaliland la xidhiidhiyeen inay cilaaqaad la leedahay dalka Israa’iil, taasi oo ah mid xaqiiqda caaro ku laheyn.

Warbaahinta Soomaaliya waxay indhaha ka qarsanaysaa in Taliska Farmaajo uu cilaaqaad diblomaasiyadeed oo qarsoodi ah la leeyahay Israa’iil, taasi oo soo if-baxday 20kii bishii hore oo Ra’iisul-wasaaraha Israa’iil xaqiijiyey in dalalka ay cilaaqaadka la leeyihiin ay ka mid tahay Soomaaliya, iyada oo arrintaas  aanu qiran isla markaana beenin Madaxweyne Soomaaliya.

Waxa qormooyinka Michael Rubin ku baahiyey Saxaafadda caanka ah ee Maraykanka ay cabsi ku riday maamulka Farmaajo oo welwel ka qaba in farriimihiisu ay saameyn taban ku yeeshaan qaadhaanka dowladda Maraykanku siiso Soomaaliya oo uu si xeel-dheer ugu hogotusaaleeyey in aanay wax isbeddel ah keeni doonin.

Ugu dambayn, Michael Rubin wuxuu sawir dhab ah ka bixinayaa sida Soomaaliya aanay wax dawlad ahi uga soo naaso-caddeyn, isla markaana wuxuu bayaamiyey farqiga dhabta ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho.

Faallo: Cumar Maxamed Faarax

LEAVE A REPLY