Maareeyaha cusub ee Madbacadda Qaranka oo Xilka kala wareegay Maareeyihii hore & Hadallada laga yidhi

0
1323

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maareeyaha cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay Madbacadda Qaranka Somaliland Maxamuud Raage Maxamed, ayaa maanta xilka kala wareegay Maareeyihii hore ee Madbacadda Siciid Saalax Shire, waxaana ka qaybgalay Munaasibadda Xil-wareejinta Wasiirro, Masuuliyiin kale, Shaqaalaha iyo Madax-waaxeedyada Madbacadda iyo Marti-sharaf kale.

Siciid Saalax Maareeyihii hore ee Madbacadda, ayaa soo dhaweeyey Maareeyaha cusub Maxamuud Raage, waxaanu sheegay in Mr. Raage yahay nin ka galaangal badan oo dedaal badan oo uu rejaynayo inuu wax badan ku soo kordhin doono Madbacadda Qaranka iyo horumarinteeda.

Maxamuud Raage oo halkaas ka hadlay, ayaa isna u mahad-celiyey Maareeyaha hore, waxaanu ballan-qaaday in halka uu soo gaadhsiiyey ka sii dhaqaajin doono hawlaha Madbacadda, waxaanu ka codsaday shaqaalaha inay si hufan oo daacadnimo iyo karti leh ula shaqeeyaan, si ay isula jaan-qaadaan, waajibaadka qaran ee wada saaranna sida ugu habboon u wada gutaan.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here