Maansadda Qaran-nimo

0
809

 Maansadan oo magaceeda la yidhaahdo ‘ALLE mahadii Weeyaan Muusaa hor kacayoo’, oo uu curiyay C/wahaab Ibraahim Cilmi (C/wahaab Oodweyne), waxay ka mid tahay sil-siladda la yidhaahdo Waa Bushaaro ILLAAHAY.

Waana wacyigelin bulshadda reer Somaliland aanu ku baraarujinayno in ay aaminaan dalkoodan calanka iyo xadka caalamiga ah leh. Xornimadda iyo dawladda qaran ee ILLAAHAY SWT ina siiyay.

Nasiibna ay u yeesheen hogaanka ugu lexejecladda badan reer Somaliland. Wadan ahaan in uu u noqdo hogaan qaran. Marka la qiimeeyo tacabkii hore ee lagu helay xornimadda iyo gooni isutaaga Somaliland iyo maanta iyo hab-maamulka dawladnimo oo haatan xisbiga Kulmiye talladiisa hayo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na, hogaanka dalka hayo. Waa arrin u baahan qiimeeynteedda iyo tixgelinteedda xiligan maanta lagu jiro. Talla-na ay wadaagaan halyayo badan oo reer Somaliland oo ah madaxda dhaqanka iyo kuwa diintaba.

Inagoo ka duulayna tacabka badan ee madaxweynuhu uu galay mudadan uu talladda hayay, ee aqoonsi raadinta Somaliland waxaanu ugu bushaaraynaynaa bulshadda reer Somaliland oo aanu leenahay, madaxweyne bushaaro, madaxda qaranka-na bushaaro. Shacabka mudan ee reer Somaliland-na bushaaro.

Mudadan uu xilka hayo madaxweyne Muuse Biixi, waxaynu helaynaa oo bushaaro ah, wixii keliyahaa ee inaga dhinaa qaran ahaa, oo ah aqoonsi caalami ah. waxaynu geli doonaa marxalad badhaadhe ah iyo horumar balaadhan, oo aan leeyahay waa bushaaro ILLAAHAY. Dadkaygoow bil khayr dheha.

Walaaleyaal maansadani waxay ka hadlaysaa wakhtiyo aynu soo marnay iyo xaalado jiray iyo wakhtigan aynu ku jirno iyo xaalado la geli doono iyo wixii aynu kasban doono. Waxay tilmaamaysaa waxa inoo wanaagsan iyo waxa inagu xun labadaba.

Hadaba anigoo bulshadda reer Somaliland dhamaantoodba ku hambalyaynaya walaalnimadda iyo is-fahamka iyo qaranimadda ay ku midaysan yihiin, waxaan kula talin lahaa in aynu ku darno ilaalinta sharafta iyo ku dhaqanka kala danbaynta aasaasiga ah, oo diinteenuba inoo cadaysay in aynu adeecno cida hogaanka ama madaxda inoo ah, heer kastaba ha ahaatee.

Waxaan ku soo gebagebaynayaa hor-dhacaygan milgaheenu waa midnimo, maamuuskeenuna waa walaalnimo markaynu nahay bulshadda reer Somaliland waa in aynu ka dheeraano qabiilka iyo qabyaaladda u daran mustaqbalka ummada.

Bal u fiirso tuducan murtidda ah. ‘dad qabiil hawaystaa, wanaag uma hiloobaan, qaranimadu waa haybad iyo sharaf ku heensaysan’.

Maansadiina waxay ku bilaabmaysaa sidan:

Hawlaha aduunyadu

Way is daba higsanayaan

Kolba heer ha joogtee

Ma dhamaato hibashadu

Naafo hoonbinaysiyo

Hooyo currado wayday

Aabbo hannadadiisii

Ka gob-lamoo hawaarsaday

Haween aan Asaydiyo

Hin-gaftiiba weli dhigin

Hawl iyo dhib badan baa

Lagu helay xornimadee

Hubsiimadu hal weeyee

Dadkaygoow ha moogaan

Wixii horee ku soo maray.

Hankeenu waa Somaliland

Haybadeena qaran-nimo

ALLE mahadii weeyoo

Muusaa hor kacayoo

Ma hun-gowdo daacadi

Waynu heli aqoonsiga.

Hoodiyo ayaan iyo

Gobanimadu waa hiil

Hibo ILLAAHAY keeniyo

Qaran-nimadu waa hogol

Hadda lama huraan iyo

Dawladnimadu waa hodan

Calankaa hal-danayiyo

Nabaduna hadh weeyaan

Hogaan lagu kal-soon yoo

Dadku ay hibaysteen

Intaasoo is-haysaa

Lagu helay midnimadee

Guushii waynu hananee

Dadkaygoow ha moogaan

Aynu horumar gaadhnee.

Hankeenu waa Somaliland

Haybadeena qaran-nimo

ALLE mahadii weeyoo

Muusaa hor kacayoo

Ma hun-gawdo daacadi

Waynu heli aqoonsiga.

Bello kugu hab tidhi iyo

Waa habaar samaawiya

Bulsho hayb wadaagtoo

Hubka la isku laayiyo

Hooto iyo gaashaan

Warmaha isu haystoo

Habar-habar u kala baxay

Qaarba qaar ay heereen

Intay qabiil hagoogteen

Haybtu waxay difaacdaa

Hadimadda kuwii dhigay.

Hub-siimadu hal weeyoo

Dadkaygoow ha moogaan

Yay ku hodin qabyaaladi

Hankeenu waa Somaliland.

Haybadeena qaran-nimo

ALLE mahadii weeyoo

Habeen dhalad nasiib li’yo

Muusaa hor kacayoo

Ma hun-gawdo daacadi

Waynu heli aqoonsiga.

Haybadii suldaan iyo

Nin heensaystay boqornimo

Kornayl sahanka haystiyo

Hogaan iyo siyaasiba

Himiladay lahaayeen

Hanti kuwa ku doorsaday

Shisheeye ay han-baystaan

U hamuumay kabo-qaad

Heeryadii gumaysiga

Haatan kuwaa dan mooday

Mar labaad halmaamoow

Ima hodo nin sooreed.

Hubsiimadu hal weeyoo

Dadkaygoow ha moogaan

Wixii horee ku soo maray

Hankeenu waa Somaliland

Haybadeena qaran-nimo

ALLE mahadii weeyoo

Habeen dhalad nasiib li’yo

Muusaa hor kacayoo

Ma hun-gawdo daacadi

Waynu heli aqoonsiga.

Nabsi waa hawaa’iye

Adigoo harraad qaba

Hodan-nimo ku deeqdiyo

Nimco lama harraatiyo

Hiyi nimaad wadaagtaan

Hoona aad ku leedahay

Iyo horar ku cunayana

Kumaa huran-tidaadda ah?

Kii ku heeray boqonkeed

Adna haanka goysiyo

Ma uu hadhin dad qaadkii

Hidaheena cuni jiray.

Dadkaygoow ha moogaan

Wixii horee ku soo maray

Hankeenu waa Somaliland

Haybadeena qaran-nimo

ALLE mahadii weeyoo

Habeen dhalad nasiib li’yo

Muusaa hor kacayoo

Ma hun-gawdo daacadi

Waynu heli aqoonsiga.

Dhamaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here