Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolkaasi ayaa si weyn u taageeray khudbadii dhawaan uu labadda gole baarlamaan ka hor jeediyay madaxweynaha Somaliland.
Munaasibad balaadhan oo maanta lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Sool waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, badhasaab ku-xigeenka gobolka Sool, isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda, iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiintii munaasibadaasi hadaladda ka jeediyay ayaa dhamaantoodba ku dheeraaday sida ay u taagersan yihiin khubadii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.