Maamulka Gobolka Sool iyo Ka Degmadda Laascaanood Oo Taageeray Khudbadii Madaxweyne Biixi

0
615

Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolkaasi ayaa si weyn u taageeray khudbadii dhawaan uu labadda gole baarlamaan ka hor jeediyay madaxweynaha Somaliland.

Munaasibad balaadhan oo maanta lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Sool waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, badhasaab ku-xigeenka gobolka Sool,  isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda, iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintii munaasibadaasi hadaladda ka jeediyay ayaa dhamaantoodba ku dheeraaday sida ay u taagersan yihiin khubadii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY