“Maalinta Khamiista culimadda la karaameeyo Qubuurahoodda ayaa la soo booqan jiray oo la dul fadhiisan jiray”…

0
295

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa sheegay in is bedel weyn uu ku yimid dhinaca barashadda cilmiga diinta islaamka ee xiligan la joogo.

Taasoo aad uga duwan marka la bar-bar dhigo wakhtiyadii lagu jiray sanadihii todobaatanaadkii iyo sideetamaadkii, xiliyadaasi oo uu sheegay in bulshaddeena badankoodu ay Qubuuraha barakaysan jireen.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sheegay in waayadii hore ay bulshadu ka lunsanaayeen caqiidadda saxda ah ee diinta islaamka, isla markaana ay ku dhaqmi jireen waxyaabo aan banaanayn diin ah.

Hase yeeshee xiligan la joogo in arrimaha barashadda diinta islaamka iyo caqiidadda ay dadkeenu aad u barteen, iyadoo ay culimo badani soo baxeen oo ay wax ka bedeleen sidii waayadii hore cibaadda iyo caqiidadda bulshadu ahayd.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay dufcadii afraad ee arday ka qalin jebiyay jaamacadda islaamiga ah ee Al-najaax, oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, ayaa kula dar-daarmay ardayda ka qalin jebiyay jaamacaddaasi in ku dedaalaan sidii ay u dedaalaan sidii ay uga dhabayn lahaayeen cilmiga diinta ah ee ay barteen, isla markaana ay bulshadda u buuxiyaan kaalinta culimadii hore.

Waxaanu ku booriyay ardayda qalin jebiyay in ay bulshadda ku hagaan dariiqa saxda ah ee caqiidadda diinta islaamka oo ay u saxaan caqiiqadda iyo tawxiidka dadka ay weli ka khaldan tahay.

Geesta kale Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa kaloo uu xusay in xiliyadii uu isugu dhalinyaradda ahaa in maalinta Khamiista ah dadka culimadda ah ee la karaameeyo Qubuurahoodda la soo booqan jiray, isla markaana la dul fadhiisan jiray si looga barakaysto.

Isagoo xiligaasi ka mid ahaa dhalinyaradda ku xidhan culimaw-diinkana in lagu amaani jiray in ay culimadda u raacaan booqashadda Qubuuraha culimaddii hore marka laga soo barakaysanayo, iyadoo weliba tallabaadaasi lagu amaani jiray.

Balse aanay maanta jirin cid booqanaysa oo ka soo barakaysanaysa Qubuuraha oo weliba lagu amaanayo, maadaama oo wakhtigan la joogo ay bulshadeenu aad u barteen cilmiga diinta islaamka oo ay u saxantay caqiiqadoodii.

DAAWO: Wasiirka Dastuurka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here