LOOMA OOYAANKII AAN TAARIIKHDA LAHAYN W/Q: Maxamed Cabdikarim (M-Maarshaal)

0
709

Indhahaygu way ilmaynayeen, qalbigayguna wuu murugoonayay,maskaxdaydu su’alo badan ayay is waydiinaysay, qaraaca wadnahaygu aad ayuu u sareeyay, qalinka iyo buugu waa iskugu kay hagaagi waayeen, gariirka gacmahayguna way tahli waayeen garaacii computerka, gooraysadu waa abaaro 5tii galabnimo, wakhti aan nasanayay, tvgana aan daawanayay, cadhadii, ciishoodkii iyo murugaddii oo iga tan batay ayaa madaxa oo i xanuunaya qolka intaan madoobaystay barbar u jiibsaday, maskaxdaydii ayaa fooftay, waaba anigii oo shandad sita safarna u xadhko xidhan, waa halkee tolow? xilimaan diyaar garoobay? gaadhibaaban saaranahay, tay iyo suudhna waaban ku taaganahay, shandad wayna gadhigayba ii saran tahay, woxogaa muruga ah oo safarka ahi  ha iska kay haysatee, lakiin jawigii hore mid ka duwan ayaan ku naaloonayaa, laanta socdaalka(immigration) ayaaban imid, si fudud ayaan uga gudbay, qolkii nasashada ee diyaarada intii aan ku jiray ayaan eegay passportkayga, waxa ku taalaba fiise (Visa) Ruwandha ah,  markaas ayaan gartay goobta iyo halka aan ku jihaysanahay.

Ruwaandha waa mid ka mid ah waddamada ugu yar afrikada dhexe, uguna dadka badan, marka la barbardhigo waddamada la badka ah, waxa lagu qiyaasaa shacabkeeda  11,262,564 ( 11 Milyan,laba boqol iyo laba iyo lixdan kun, shan boqol iyo afar iyo lixdan) waa waddan ka soo kabanaya, macaluul, saboolnimo, ceeryoon dad iyo waliba xasuuq shacab, waxa ku nool laba qoomiyadood oo kala ah Hutu oo waddanka ugu badan iyo tutsi, waddankan oo leh taariikh madaw oo dhiig baddani ku daatay, ayaa markii aan ka soo dagay madaarka ee aan magaalada soo galay, waxa i farxad galisay, wajiyada farxada iyo qosolku ka muuqdo, mashquulka, isdhexgalka, jacaylka, fur furnaanta iyo horumarka waddanka yaalla, saraha dhaadheer iyo nadaafadda oo aad looga shaqeeyay, soo dhawaynta shacabka, raali galinta ajanabiga iyo dalxiisayaasha ayaa maskaxdaydii dib  u xasuus galiyay taariikhdii waddankan, waddihii tagsiga ayaa i hor joojiyay goob gaydh wayn leh, oo xuruuf waawayni gidaarka ku qoran tahay. Kigali Genocide Memorial Center, wuxuu igu hal celiyay intanan su’al waydiin, waa goobta ay taallo taariikhda reer ruwanda, waana halka ay cilmibaadhayaasha iyo dalxiisayaashu yimaadaan si ay wax uga ogaadaan taariikhda la ilaaliyay ee waddankan si aanay mardanbe waxaas oo kale u dhicin.Xaruntan waxa la furay Abril 2004tii sanadguuraddii tobnaad ee ka soo wareegtay xasuuqa ruwandha.

Abril 6 1994tii, boqol cisho gudahood ayaa lagu dilay 800,000 (Sideed boqol oo kun) oo qof wax ka baddan, oo ah qoomiyadda TUTSIga ah ee inta badan dhibtu soo gaadhay, wallow tiradan HUTUguna uu ku jiray. Waa xasuuqii ugu dagdaga badnaa taariikhda adduunka, Maleeshiyaadka HUTUgu waxay adeegsanayeen, faashash, Midiyo Iyo budhadh madax waawayn, si aan kala sooc lahayn ayay umulaha u dooxeen, ubadka yar yar u gawraceen, saxaafada iyo madaxda dawlada cido ka mid ahina ay dhiiri galin u samynaynaysay, sidoo kalena tilmaamayeen goobaha ay gabaadka ka dhiganayeen, maatidii nafla orodka ahaa.

Madalena Mukariemeria waa hooyo ka badbaaday xasuuqa, waxay wadataa halgabadh oo ay dhashay, diif badan iyo diihaal ayaa ka muuqda, murugo iyo xasuus xun ayaad wajigeeda ka dhuganaysaa, xasuuqu wuxuu kaga tagay xanuun nafsi ah iyo mid jidheed,, Hooyadani iyo gabadhadeedaba waxa lagu horkufsaday qoyskooda , sidoo kalena waxa lagu hor gawracay 8 caruur ah oo ay dhashay iyo saygeedii, iyagoo ku sugan Goob lagu cibaadaysto oo ay gabaad ka dhiganayeen Tuulada Kibuyu. Jabhadu waxay gabood fal gaysanayeen markay gaysteen, waxay hore u sii wateen, Madalena Iyo Inanteedii oo ka mid noqday maxaabiis haween ah oo ay haysteenn jabhadu, Maxaabiista oo ay ula dhaqmi jireen si biniadminimada ka baxsan, kufsiga, gaajada, daranyada, caafimaad darada iyo fayodhawr la’aanta waxa u dheeraa, garaacis iyo tacadiyo la halmaala, jabhadan oo dhaqan u lahayd, kufsi wadareed ayaa iyagoo maankoogu maqan yahay , tacadiyo jidheed u gaysan jiray haweenka maxaabiista u ah, Madalena, waa hooyo naafo ah oo laxaadkeedii ku wayday, garaacis ay u gaysteen jabhadu, iyadoo ka waramaysa ayaa waxay tidhi, waa abaaro 2:00 habeenimo waxaanu ku xaraysan nahay qolal duug ah oo aan sixadoodu wanaagsanayn, qolkiiba 30 ilaa 40 haween iyo caruur iskugu jira ayaa ku xaraysan, dhamaan waa dhadig, da’adaydu waxay u dhaxaysaa 7jir ilaa 50 jir, guryuhu waa diiq, lugaha ayaanu ka sil siladaysan nahay jabhada oo xaflad dhiganaysay ayaa markii ay sirkhaameen nagu soo jabiyay albaabkii xili aanu hurudnay, naxdintii, qayladdii iyo sawaxankii oo is qabsaday iyo qolalka oo madaw ahaa ayaa keenay in ay jabhada qaar ka mid ahi xabado ku ridan maxabiistii, goobtaas oo dhawr qof ku nafwaayeen, halka intii kale markii ay dhaqan xumadoodii dhamaysteen iyo kufsigoodii aan kala sooca lahayn, ay qolalkii ka dareereen, qof iyo nasiibkii ayay ahayd cida ku soo hagaagta iyo sida uu ula dhaqmaba,  aniga iyo inantayda iyo qaar kaleba nasiibkayaga habeenkaa waxa nagu soo hagaagay, qaar aa damiir nool lahayn, xuskooguna aanu joogin, aniga faash ayuu bawdada igaga dhuftay, wajigana nabar wayn ayuu iga gaystay, waanan miir doorsoomay, halka inantayda ay nabaro xooglihi ka soo gaadheen, feedhaha, dhabarka iyo caloosha oo ay midiyi kaga dhacday, aroornimaddii jabhaddii markii ay arkeen waxay gaysteen, waxay hore u sii wateen intii  dhaawaca fudud qabtay iyo intii caafimaadka qabtay, maxaabiistii dhaawaca culus qabay iyo wixii dhintayba way iskaga tageen, nasiib wanaag hayadda bisha cas, ayaa laba cisho kabacdi na heshay oo na badbaadisay, dhaawacii lugta oo caabuq iyo barar yeeshay waxaa la tacaalay oo gargaar caafimaad noo fidiyay  hayada bisha cas, halkaas oo lugta la igu gooyay, nasiibkayga inantaydii waa badbaaday , waanay caafimaaday, waa ruuxa kaliya ee adduunka iigu hadhay ee aan dhuganay. Markasta oo aan hor istaago istusto ee aan arko nabarkaa wajiga igaga yaala, waxa i hor timaada dhacdadii xanuunka badnayd ee noloshaydii mugdiga galisay ee aan ku waayay qoyskaygii iyo laxaadkaygii, waxaan ahay markasta hooyo la nool dhacdadaas xanuunka badan, kuna waabariisata murugadaas kuna gabal dhacasata

Dhanka kale, waxa jiray dhibanayaal Hutu ah oo lagu qasbay inay laayaan, xasuuqaan jaararkoodii ay awoow ka awoow soo wada noolaayeen, isku duruufta ahaayeen, waayaha nololeedna ay iska dugsanayeen,  waxa la soo safay jararkoodii, waxa gacmaha laga galiyay faashash iyo budhadh madax waawayn, guryaha waxa ku sugnaa maxas kali ah, Caruur Iyo haween, mid mid ayaa lagu khasbay inay madaxa uga gooyaan, ama jar jaraan, ama budh wayn ku bashaaqaan, dalku wuu ka soo kabtay taariikhdaas madaw. …….La Soco…… 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here