Lionel Messi oo Muddo 3-bilood Ah Laga Ganaaxay Kubadda Cagta Ee Caalamiga Ah

0
1348

Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa muudo 3 bilood ah laga mamanucay cayaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah, ka dib markii Koobka Qaramada Ameerica uu ku tilmaay mid musuqmaasuq daashaday.

Weeraryahankan Barcelona u ciyaara ayaa kaadhka casaanka loo taagay cayaartii dhexmartay iyaga iyo Chile, taas oo 2-1 ay Argentina ku guuleysatay balse Messi ayaa markii dambe yidhi ” koobka Brazil ayaa iska leh”

32 jirkan ayaa waxaa sidoo kale xidhiidhka kubadda cagta ee koonfurta Amerika ay ku ganaaxeen lacag dhan 50 oo doolar.

Messi ayaa haatan haysta toddoba maalmood oo uu racfaan kaga qaadan karo go’aanka lagaga mamnuucayo cayaaraha.

Mamnuuciiddan ayaa waxay sababaysaa in Messi aanu ka qeyb galin cayaaraha saaxibtimimada ee ay Argentina la cayaari doonto Chile, Mexico iyo Jarmalka, kulamadaasi oo la cayaari doono bilaha September iyo October.

Ka dib kulankii nus-dhamaadka ee Brazil 2-0 kaga badisay Argentina, ayay Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Argentina ka andacoodeen khaladaad dhanka garsoorka ah.

Balse baadhitaan ka dib ayaa la sheegay in eedeymahaasi su’aasha galiyay sharfta Koobka Qaramada America ay yihiin waxaba kama jiraan.

Ka dib markii Messi uu daqiiqaddii 37-aad la siiyay kaadhka casaanka ah ayuu yidhi:

“Ma aha in aanu ka sii mid ahaano musuq-maasuqan, waxay inoo muujiyeen xushmad darro intii uu tartankaan socday”.

“Waa nasiib darro, musuqmaasuq iyo garsooreyaasha in ay dadka ay u ogolaan waayaan in ay raaxaystaan kubadda cagta”, ayuu yidhi Messi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here