Lacagtii Loogu Talo Galay Horumarinta Badhan oo Muran Ka Taagan Yahay

0
526

Hargeisa (Hargeisapress)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa Wasiirka wasaarada Cadaalada Somaliland ku eedeeyay inuu si qaldan u maamulay 500 oo kun oo dollar oo loogu talagalay in kor loogu soo qaado deegaanada bariga gobolka Sanaag.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud ayaa sheegay in Wasiirku deegaanada kala xigtaystay islamarkaana uu deegaanada qaar hoos u dhigay, halka deegaanada qaarna uu kor u qaaday.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaarada Cadaalada Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha uu Xildhibaanku u soo jeediyay.

https://youtu.be/bDc1_ZAKxwk

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY