Guddoomiyaha Deegaanka Cali Saahid oo Faah-faahin Ka Bixiyay Dabley Hubaysan oo Weerartay Badhasaabka Togdheer

0
651

Burco (Hargeisapress)- Guddoomiyaha deegaanka Cali Saahid ayaa waxa uu ka hadley dabley hubaysan oo weerar ku qaaday Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

Guddoomiyaha Deegaanka Cali Saahid oo la socday xiligii weerarku ku dhacay isaga iyo gudoomiyaha gobolka Togdheer ayaa waxa uu yidhi “Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday gudoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba, meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka.

Waa meel ka isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid.

Sidoo kale guddoomiyaha deegaanka Cali Saahid ayaa waxlaga wayddiiyay sababta ay maamul ahaan u diidan yihiin in dhulkaasi deegaan laga dhigo iyo khasaaraha soo gaadhay ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo, khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY