Kursigii Madaxweyne Ku Xigeen ee Awal Hore Liidanjiray Wuxu Kadhigay Kursi Qiimo leh oo Matalaada Umada Huwan. Siyaasi Jamal A. Muse

0
537

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi, kursigii ku xigeenka ee awal hore liidnaan jiray, waxa uu ka dhigay kursi qiime leh oo metelaad ummadeed huwan.

Waxa uu hormood ka ahaa xadhig-xidhkii nabadda Ceel Afweyn, iyo qarameyntii ciidamada madaniga ah ee Somaliland, aniguna waan ku hambalyeynayaa waxqabadka mudnaanta leh ee uu qaranka horseedka ugu ahaa ku hawaad saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Waa metelaad dhab ah oo ka duwan metelaaddii hore looga bartay kursiga ku xigeenka. Waana tallaabo wax weyn ka beddeshay aragtii hore ee aan ka aaminsanayaa kursiga ku xigeenka oo dabcan ku jaan-go’nayd dhigaalkii iyo yaalliinkii kursiga hore loogu diiwaan-galiyey.

Siyaasi Jamal A. Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here