Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo soo xidhay Shirweynihii Nabadeynta Ceel-Afweyn

0
1034

Ceel-Afweyn (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo afmeeray Shirweynihii Nabadaynta Beelaha walaalaha ah uga socday deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag kaasi oo ku soo dhammaaday guul iyo isaf-garad taariikhi ah.

Shirweynahan Qaran ee nabadda Ceel-Afweyn, ayaa waxa Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka Gobolka Sanaag, Culimaa’udiin dalka, hoggaannada Axsaabta Siyaasadda Qaranka, Xildhibaanno, wax-garad, Salaadiin, garaaddo iyo Aqoonyahanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo lagu soo afmeeray go’aamo wax ku ool ah oo si hufan looga baaraan degay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa gunaanadkii Shirka ka jeediyey khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysa, isaga oo u mahad-naqay reer Ceel-Afweyn iyo cid walba oo ka shaqaysay  nabadda la soo xidhay ee Ceel-Afweyn.

“Waxa aan doonnaynaa CeeL-Afweyn isku dan ah, isku dareen ah oo isku duruuf ah, balse aan kala dano iyo kalla doodo ahayn. Waxa aan jecelahay Ceel-Afweyn aan dhexdeeda dagaal iyo dil ka dhicin, waxa aanu doonnayaa in la arko Ceel-Afweyn oo la dagaalamaysa colaadda iyo dirirta tolka, qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta.”  ayuu yidhi.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hoosta ka xarriiqay in sababta loo doortay ay tahay isaga iyo Madaxweynaha in ay Bulshada u horseedaan nolol iyo horumarka oo ay saldhig u tahay nabaddu. “Waxa xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah in aniga iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan, sababta dadkayagu codka noo siiyeen ay tahay in aan dadkayaga aannu nolol u samayno, noloshana waxa saldhig u ah nabad, nabaddana waxa adkaynayaa waa dawladnimo iyo sharciga.”

Ugu dambayntii Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland,  ayaa waxaa uu dar-daaran xoogan oo dhaxal-gal ah u guntay bulshaweynta reer Ceel-Afweyn.

“Dardaraankaygu waa in aan la arkin mar dambe oo aanay dhicin Ceel-Afweyn oo ay curadadeedu is dilayaan, oo aanay dhallinyaradu hubka isku urursan, haweenkuna waa in aanay asay madaxa saarin mar dambe, waa in aad gacmaha isku qabsataan nabada iyo horumarka Ceel-afweyn.” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here