Hargeysa (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Asaasaha Shirkadda World Remit, Mudane Ismaaciil Ibraahim Axmed.
Kulankan waxa ka qayb galay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xirsi.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xog-iswaydarsi iyo wadatashi ku saabsan doorka ay Sahamiya Foundation ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka iyo fursadaha iskaashi ee Sahamiye Foundation kaga qayb qaadan karto horumarinta waxbarashada, gaar ahaan dib-u-habaynta manhajka waxbarashada qaranka.
Intii uu kulanku socday, waxa la isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo Sahamiya Foundation, si loo dardar geliyo hawlaha horumarinta manhajka waxbarashada iyada oo laga faa’idaysanaayo tiknoolajiyada casriga
Kulanku waxa uu ku soo dhammaaday is-faham, wada-shaqayn, iyo ballanqaad ku wajahan kor u qaadista waxbarashada dalka, iyadoo la isku dhafayo tiknoolajiyadda iyo waxbarashada.
Asaasaha Shirkadda World Remit, Mudane Ismaaciil Ibraahim Axmed, ayaa ballanqaaday in shirkaddu door muuqda ka qaadan doonto sidii tiknoolajiyadda casriga ahi qayb muhiim ah uga noqon lahayd horumarinta waxbarashada Somaliland.