Kulan Dhexmaray Wasiirka Deegaanka Somaliland iyo Wefdi Ka Socda Baanka Horumarinta-Afrika

0
1154

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa kulan la qaadatay wefdi ka socda Baanka Horumarinta Afrika.

Kulankan, ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Wasiirka, ayaa wefdigan faah-faahin dheeraad ah ka siisay hawlaha ay Wasaaradu u igman tahay qaranka iyo saamaynta uu isbadelka cimiladu ku yeeshay bulshada ku nool guud ahaan Somaliland.

Wefdigan ka socda Baanka Horumarinta Afrika, ayaa geestooda ka war-bixiyay mashaariicda iyo hawlaha shaqo ee ay ka wadaan Somaliland iyo sidii wada shaqayn buuxda u dhex mari lahayd Baanka Horumarinta Afrika iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland.

LEAVE A REPLY