Kulan Dhexmaray W. Maaliyadda Guddoomiyeyaasha Goboladda iyo Maayarradda

0
367

Hargaysa (HP):  Masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa kulan kula yeeshay guddoomiyeyaasha goboladda dalka iyo maayarrada magaalooyinka.

Maayarradda iyo badhasaabyadda dalka oo maalmahanba hawlo shaqo u jooga caasimadda Hargaysa ayaa u jeedadda kulanka ay la yeesheen wasaaradda maaliyadu waxa uu la xidhiidhay dakhli soo ururinta.

Sidii la isaga kaashan lahaa dakhli soo saarka qaranka ee miisaaniyad sanadeedka 202i-ka, iyo sidii loo adeegsan lahaa nidaamka casriga ah ee cashuur ururinta.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay wasiirka maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda iyo masuuliyiin kale.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here