Kulan Dhexmaray Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Madaxda Hay’adda EUCAP

0
1527

Hargeysa (Hargiasa Press)- Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hure Haariye, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Madaxda Hay’adda EUCAP.

Taliyaha iyo saraakiishan ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhisme lagu balaadhinayo gidaarka xerada Ciiddanka illaalada xeebaha.

Dhulkaasi Lagu kordhinayo Gidaarka Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee la dhax-dhigay waxaa Ciidanka ugu deeqay  Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Waxaa kale oo saraakiisha ka socday hay’adda EUCAP ay ku wareejiyeen Taliyaha qalab kala duwan oo ay ugu talo galeen in Ciidanka illaalada xeebuhu adeegsadaan.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye ayaa si rasmi ah agabkaasi ugu wareejiyey Saldhigayada Ciidanka Iyo Xafiisyada Kala Duwan ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here