Kooxo Caafimaad Oo Loo kala Diray Degaamo Ka Tirsan Gobolka Sool

0
679

Laascaanood (HP): Xanuuno aan la aqoonsan ayaa la soo sheegayaa in ay maalmahan dad ugu dhinteen degaamo ka tirsan gobolka Sool.

Cuduradaasi oo ay u dhinteen dad gaadhaya ilaa shan qof ayay wararku sheegayaan in aanay weli aqoonsan waxa ay yihiin ama waxa sababay dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka ee gobolka Sool.

Si arrintaasi wax looga qabto ayaa maanta wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool waxay kooxo kal-kaaliyeyaal caafimaad ah u kala dirtay degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolkaasi.

Ol’olahaasi caafimaad oo ah mdi balaadhan ayay kooxahaasi ku tegi doonaan  tuulooyinka hoos yimaadda gobolka Sool. Kuwaasoo ay ka jiraan xaalado caafimaad darro.

Waxaana maanta kooxahaasi caafimaad laga kala diray magaaladda Laascaanood.

Kooxahan caafimaad ee ay maanta kala dirtay wasaaradda caafimaad Sool ayaa ka kooban saddex kooxood oo wadda daawooyin kala duwan iyo qalab lagula tacaalayo dadka ay xanuunadu soo riteen.

Iyadoo degaamo ka tirsan gobolka Sool qaarkood cudurro aan weli la aqoonsan waxa ay yihiin ay dad ugu dhinteen.

Kooxahan caafimaad ee ay maanta kala dirtay wasaaradda caafimaadka Sool ayaa samaynaya qiimayn ay ku soo ogaanayaan, isla markaana daawooyin ku gaadhsiinayaan dad degaamadda cuduradu ka dilaaceen ku nool.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa todobaadkan xaqiijiyay jiritaanka cuduradaasi aan la aqoonsan ee ay dadku ugu dhinteen degaamadda ka tirsan gobolka Sool.

Isagoo sheegay agaasimuhu in ay kooxo caafimaad oo soo baadha arrintaasi u kala diri doonaan degaamadda ay xanuunadaasi ka dilaaceen ee gobolka Sool.

ol’olahan ay maanta wasaaradda caafimaadka Somaliland degaamadda ka tirsan Sool ugu kala dirtay kooxaha caafimaad ayaa loo arkaa mid lagaga jawaabayo balan qaadkii agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here