KOODHKA YAA SUBAGEEYEY?AYAA MAYDHAY KABRIIDKA?KOOFIYADA YAA CUNAYEY?

0
1499

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane:Koodhka yaa subageeyey?Ayaa maydhay kabriidka?Koofiyada yaa cunayey?

Dhaashane:Waar miyaad ka dhigtay?Maxaad ku hadlaysaa?

Dhaqane:Sanadkan odayaashii iska shiri jiray waa loo soo dhigtay.Maansoor  hotel qaarbaa koofiyadii ka cararay.Taleex qaarbaa cumaamadii weli daydeyaya.

Dhaashane:Oo magacan khaatumo ma taqaanaa halkuu ka soo jeedo?Waxa la yidhi:Waa Ali khaliif hooyadii Magaceeda weeye.

Dhaqane:Dee waa ok . Magaca Kulmiyeba sow kama soo jeedo Siilaanyo inankiisa .Maxaa ku jira haduu Ali khliifna hooyadii u bixiyo?

Dhaashane:Waar waxaa iga daayoo waxaad iiga warantaa ninkan Ina Muumin seed ku haysta madaxweyne ku xigeenimada waa Profisoor baa la yidhee ma dhabaa?

Dhaqane:Waxaa kaarto kulmiyaa la yidhaa.Waanu la soconaa inaa waxoogaa u soo dhiibteen oo tidhaahdeen Waddani ha yar qasmeene  is sharax.Xataa qashiinimadiisa wuxuu sugu kari waayey inta doorashada lagu dhawaaqayo.Mida kale ,libaax libaax aan lala ciyaarin baa jira dee.Waar ina Muumin seed waa libaaxa kayntee yuu ku cunin dheh.

Dhaashane:Dee horta imika Somalilanda mucaaradadeedi way waalatoo shlayna waxaan maqlayey niman odayaaloo leh xataa Dahabshiil yaan waxba laga xawilan.Waar sidani mucaaridad maahee wadanka ha inaga duminina.Yeelkeedee inta Suldaankii guud ee Mohamed abdilqaadir nala shaqaynayo cidna uma baahnin?shalayna waa kii Muse la hadlay .Maanta 100 awr buu jidka Baligubadle ugu deeqay.

Dhaqane:Sabeeno u rog uunbaan maqli jiree.Awrna ma u rogay?Wxuu yidhi: walee ciidagalaan dollar baran.

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here