Koobka Adduunka Ee Conifa Oo Maanta Ka Furmaya Abkhazia, Calanka Somaliland Oo Ka Babbanaya Dalkaasi Iyo Dalalka Xulkeena Qaranku La Ciyaarayo + SAWIRRO

0
1000

Sukhumi, (HargeisaPress) —Tartanka koobka kubadda cagta qaramada adduunka ee aan la aqoonsan ayaa galabta si rasmi ah uga furmaya caasimadda wadanka Abkhazia ee Sakhumi iyada oo ay sharaf weyn u tahay Somaliland in ay tartankaasi caalamiga ah uga qayb galayso koox ku ciyaaraysa xulka qaranka Somaliland oo iyagu saacadihii ugu dambeeyey dalkaasi gaadhay.

 

ConIFA World Football Cup oo ah tartankan ay Somaliland markii ugu horraysay ka qayb galayso waxa la aasaasay sannadkii 2014 waana tartan loogu tala galay in ay ka soo qayb galaan oo midayn doona dalalka Xidhiidhadooda kubadda cagtu aanay ku jirin xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA, iyada oo ay isugu iman doonaan dalalka aan la aqoosan dal ahaan, dalalka aan lahayn waddan xor ah balse gobonimo doon ah.

Abkhazia_2016

Waxaana qorshaysan in koobkaasi labadii sanaba mar la qabto oo uu marti galiyo mid ka mid ah dalalka aan la qoonsan ee dunida ka jiraa sida Somaliland oo kale. Xidhiidhka kubadda cagta ee ConIFA waxa lagu aasaasay sannadkii 2014 magaalada Östersund ee waddanka Sweden, halkaasi oo uu ka qabsoomay tartankii koowaad ee xidhiidhkani soo abaabulo. Tartanka labaad oo ah kan maanta dalkaasi ka bilaabmaya waxa ka qayb galaya 12 waddan oo ka mid ah dalalka aanay qaramada midoobay aqoonsan balse qaarkood haystaan ictiraafka dhawr dal waxaana sannadkan marti galinaya waddanka Abkhazia isaga oo koobkani ka dhici doona laba magaalo oo dalkaasi ka mid ah. Waxaanu socon doonaa 28-ka Bishan oo maanta ah illaa 6-da June.

members-somaliland-gallery-03

Abkhazia Waa Dal Caynkee Ah?

Jamhuuriyadda Abkhazia waa waddan ka go’ay waddanka Georgia ee bariga Yurub kana mid ah jamhuuriyadihii midawgii Soofiyeeti ee hore. Abkhazia waa waddan xor ah oo is maamul leh kaasi oo ku yaalla Bariga xeebta Badda Madaw waxaana wali dalkaasi aqoonsan oo kali ah saddex waddan oo kala ah Ruushka, Nicaragua iyo Venezuela iyo dalalka aan la aqoonsan. Waxa ay xornimadooda ku dhawaaqeen sannadkii 1990 waxaanay hal sano ka da’ weyn yihiin Somaliland waxaanu dalkii ugu horreeyey ee aqoonsaday noqday dalka Ruushka oo aqoonsiga dalkaasi bixiyey sannadkii 2008. Caasimadda Abkhazia waa Sukhumi, waxaana dalkaasi madaxweyne u ah Raul Khajimba. Tirada dalka Abkhazia waa 242,862 qof tirokoobkii la qaaday 2012. Waddanka ay xornimada ka qaateen ee Georgia aadbuu uga soo horjeedaa aqoonsiga dalkaasi Abkhazia waxaanu sheegtaa in ay isaga ka mid tahay. Luuqadda ay ku hadlaan waa Ankhaz waxaanay isticmaalaan lacagta loo yaqaano Russian Rible iyo Abkhazian Apsar.

 

Imisa waddan ayaa tartankan ka qayb galaya:

 

Waxa ka qayb galaya 12 xul qaran oo look ala qaybiyey min saddexkooxood waxaanay dalalkaasi kala yihiin:

 

1-Abkhazia

2-Chagos Islands

3-Kurdistan

4-Northern Cyprus

5-Padania

6-Panjab

7-Raetia

8-Sapmi

9-Somaliland

10-Székely Land

11-United Koreans in Japan

12-Western Armenia.

 

Somaliland oo ku jirta Guruubka Afraad waxa ay is haleeli doonaan dalalka Panjab iyo Sápmi. Waxaanay Somaliland labadaasi kulan ee wareegga koowaad ku ciyaari doontaa magaalada Gagra oo ah magaalada labaad ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here