Komishankii Doorashooyinka Somaliland Oo Bur-buray

0
387

Hargaysa (Hargeisa Press): Saddex xubnood oo ka mid ahaa komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaciyay in ay is casileen.
waxay noqonayaan saddexdii xubnood ee u danbeeyay ee iscasila, iyada oo ay hore isku casilleen afar xubnood oo kale.
Iscasilada saddexdan xubnood iyo kuwii ka horeeyay ayaa muujinaysa in guud ahaanba 7 xubnood ee komishanka doorashooyinka ay bur-bureen.
Waxaana jirtay in hore ay isku casileen saddex xubnood, halka xubin xisbiga uu dhawaan soo magacaabay kadib markii xubintii hre is casilay ayaanay weli golaha Wakiiladu ansixinin.
Maadaama oo ay bur-bureen todobadii xubnood ee komishanka doorashooyinka waxay noqonaysaa in madaxweynaha, xisbiyada iyo haayaddihi kale ee soo magacaabi jiray ay dib u soo magacaan.
Saddexdan xubnood ee iscasilay ayaa kala ah, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Cabdiraxaan Maxamed Dixood iyo Cabdixakiin Siciid Dalmar .
Geesta kale burburka Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa ka dhashay khilaaf iyaga guddi ahaan soo kala dhex galay.
Inkastoo marar badan ay xisbiyadda mucaaradku xukuumadda iyo madaxweynaha ku eedeeyeen in ay farro gelin ku hayaan komishanka doorashooyinka.
Burburkan ku yimid komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa la filayaa in ay dib u dhac ku keenaan qabsoomida doorashooyinka madaxtooyadda iyo ururadda siyaasadda Somaliland. Kuwaasoo dhamaantoodba qorshaysnaa in ay qabsoomaan dabayaaqadda sanadkani.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here