Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Canbaareeyay Murashaxiin Lagu Xidhay Sool

0
545

Laascaanood (HP): Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa uga digay haayadaha nabadgeliyadda in aanay banaanayn in la xidhi karro xubno ka tirsan murashaxiinta xisbiyadda.
Kadib markii gobolka Sool lagu xidhay murashaxiin ka tirsan xisbiyadda muxaaradka gaar ahaana xisbiga Waddani.
Tallaabadaasi ayay komishanka doorashooyinku ku tilmaameen mid sharciga baalmarsan, isla markaana aanay banaanayn in la xidho murashaxiinta xiliga doorashadda.
Sida uu dhigayo xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland qodobkiisa 26aad.


Digniintan ay soo saareen komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa la xidhiidha kadib markii gobolka Sool lagu xidhay murashax Qaasim Aadan Saleebaan, oo golaha Wakiiladda gobolka Sool uga tartamaya xisbiga Waddani.

Akhriso Qoraalka Komishanka:

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in ay jiraan laba murashax oo kale oo reer Sool ah oo ay ciidamadda boolisku baadi goobayaan si loo xidho.
Ma jiro wax war ah oo ay haayadaha dawladu ka soo saareen xadhiga murashaxaasi.
Hase yeeshee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa canbaareeyay talaabadda lagu xidhay murashaxaasi iyo xubnaha kale ee la doonayo in la xidho.
Iyadoo ay xadhiga murashaxaasi ku tilmaameen mid qafaalasho ah, isla markaana ka hor imanaysa xeerarka doorashooyinka iyo xasaanadda ay leeyihiin murashaxiintu.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here