Go’aankii Maamuladda iyo Galmudug Hirshabeele Oo La Soo Dhaweeyay

0
444

Muqdisho (HP): Hogaamiyayaasha mucaaradka ee Soomaaliya ayaa si buuxda u soo dhaweeyay go’aanka ay maamullada Galmudug iyo Hirshabelle ay kaga soo horjeesteen muddo kordhintii uu golaha Shacabku dhawaan u sameeyay haayadaha dawladda.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook ku qoray inuu si buuxda u ayidsan yahay go’aanka.

Sidoo kale, madaxweynihii ka horreeyay ee Sharif Sheekh Axmed, ayaa isna sheegay in go’aankan uu yahay mid taariikhi ah.

“Waxaan uga mahad celinaynaa madaxda Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle inay nala qaateen talooyinkii iyo xaldoonkii aan in muddo ahba u jeedinaynay.

Waana go’aan taariikhiya oo loo qaaday dariiqa saxda ah ee dowlad dhiska Soomaaliya”, ayuu yidhi Sharif.

Geesta kale, maamulka Puntland oo hore u diiday muddo kordhinta ayaa isna soo dhaweeyay go’aanka Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana uu ku baaqay in deg deg dib loogu laabto wadahadallada doorashada.

“Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka Puntland.

Dhinaca kale, safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa soo dhaweysay go’aanka, waxaana ay ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo inuu taageero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here