Khubaro Ka Tirsan Qaramada Midoobay oo Qiimeeyay Saamaynta Dabkii Suuqa Waaheen

0
1668

Hargeysa (Hargeisa Press) – Khubaro ka socda hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dab-demiska, ayaa maanta waxaa ay la kulmeen wakiilo ka socday ururka ganacsatada Hilibka.

Khubaradan, ayaa waxaa uu ujeedkoodu la xidhiidhaa sidii ay u qiimeyn lahaayeen saamaynta uu dabkii Suuqa Waaheen ku yeeshay iyo baahiyaha ay qabaan.

Qodobada lagaga hadlay intii uu socday kulanka Khubarada iyo ganacsatada Hilibka, ayaa waxaa ka mid ahaa arrimo ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, nadaafadda iyo heerka badqabka.

Khubaradan, ayaa sidoo kale la kulmay Curyaamiinta, Barakacayaasha iyo haweenka laga tirada badan yahay si ay u qiimeeyaan saameynta uu ku yeeshay dabkii suuqa Waaheen iyo baahidooda badbaado ee degdega ah.

Warbixinta qiimeynta wadajirka ah, ayaa la soo gabagabeyn doonaa maalmaha soo socda, waxaana loo adeegsan doonaa shirka deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya toddobaadka soo socda.

Todobaad, ayaa laga joogaa markii uu dab qabsaday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa. Weli waxaa la dareemayaa saameynta uu dabkan geystay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ganacsatadu ay la dhacsan yihiin saameyntiisa.

Iyadoo laga jawaabayo burburka, Qaramada Midoobay waxay geysay koox ka tirsan hay’addaha farsamada horaantii todobaadkan si ay ula shaqeeyaan dowladda Somaliland iyo guddiga gurmadka si ay u qiimeeyaan burburka iyo taageerada dib u dhiska suuqa.

Kooxdan hay’addaha Qaramada Midoobay, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cumar Cali Cabdilaahi iyo Guddidii suuqa.

Kooxahan, ayaa ka kooban shaqaale ka socday sagaal hay’addood oo Qaramada Midoobay ah, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO), UN Development Program (UNDP), UN-Habitat, Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO), UN Women, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Sanduuqa Horumarinta (UNCDF), Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee (UNSOM).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here