Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Gaadhay Dalka Ingiriiska

0
593

London (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda London ee Cariga Ingiriiska.

Agaasimaha, waxa ku qaabilay garoonka diyaaradaha Hedro ee magaaladda London xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka UK, iyo mas’uuliyiin ka tirsan warbaahinta dowladda.

Waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin safarka Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta ku yimid dalka Ingiiriska.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inuu dalka Ingiriiska u yimid hawlo shaqo iyo arrimo u khaas ah.

Waxaanu intaas ku daray in xarunta labaad ee ugu weyn warbaahinta dowlada Somaliland ay ka furan tahay magaaladda London isla markaana uu kulamo la qaadan doono shaqaalaha ka hawl gala xaruntaasi.

Agaasimaha guud, ayaa intaas ku daray in muddooyinkii u danbeeyay ay mashaariic horumariineed ka hirgaliyeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee caasimadda Hargeysa haatana ay qorshaynayaan sidii ay u casriyeyn lahaayeen xarunta warbaahinta dowladda Somaliland ku leedahay magaaladda London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here