“Khilaafka arrimaha dooroshooyinka waa inay xal ka gaadhaan xukuumada iyo xisbiyadu…”

0
545

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ugu baaqay xukuumadda talladda haysa iyo xisbiyadda mucaaradka ah in ay xal ka gaadhaan khilaafka doorashooyinka.

Madaxweyne hore Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu tilmaamay in muranka ka taagan doorashooyinka iyo furista ururrada siyaasadda in xalkeedda loo baydho, isla markaana aanu muranku wax faa’iido ah u lahayn labadda dhinacba.

Daahir Rayaale, oo hadal ka jeediyay munaasibad qado sharaf ah oo lagu casuumay oo magaaladda Hargaysa lagu qabtay, waxa kaloo uu ka sheekeeyay qaar ka mid ahaa dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu waaweynaa ee soo maray mudadii uu xilka hayay iyo qaabkii uu u xaliyay.

Dhacdooyinkii uu hadalkiisa ku soo qaatay waxaa ka mid ahaa xiligii la furayay Maxjarka xoolaha ee magaaladda Berbera, iyo waxyaabihii dhex maray isaga iyo ganacsatadii diidanayd in aan Maxjarka la furin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here