Hargaysa (Hargeisa Press): Khilaaf banaanka u soo baxay oo maalmahan la sheegayay in uu u dhexeeyay wasiirka maaliyadda Somaliland iyo xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa la sheegay in is-af-garad laga gaadhay.
Khilaafkaasi oo salka ku hayay kala aragtida sharciyeed iyo awoodda maamulka dhinaca dhaqaalaha, hase yeeshee sida uu shaaciyay wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, khilaafkaasi ayaa la soo af-meeray.
Warkaasi qoraalka ahna waxa uu u dhignaa sidan:
War-saxaafadeed
Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay cadaynaysaa inuu dhamaaday kala aragtida sharciyeed ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Waaxda Xisaabaadka Guud ka dhexeeyay, kaas oo ku soo afmeermay in Xafiiska Xisaabaadka guud yahay Waax “Department/Office” ka mid ah Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Sida ku xardhan Dastuurka JSL, Xeerka Maamulka Maaliyadda ee Waddanka u Dajisan iyo Hannaanka Dawladnimo ee Dunidu isticmaasho.
Allaa Mahad Leh
Yuusuf Maxamed Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda