Tahriibeyaal Laga soo Celiyay Liibiya Oo Hargaysa Ka Soo Degay

0
862

Hargaysa (Hargeisa Press): 41 dhalinyaro tahriibeyaal reer Somaliland ah oo muddo sanado ah ku xidhnaa xabsiyo ku yaala dalka Liibiya  ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka.

Dhalinyaradan tahriibeyaasha ah waxaa soo celintoodda gacan ka gaysatay hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta ee IOM iyo hay’adda qoxoontiga ee UNHCR.

Dhalinyaradan oo diyaaradii ay siday diyaarad ka soo qaaday magaaladda Tripoli ee caasimadda Liibiya ayay dayaaradu  ka soo dejisay magaaladda Hargaysa.

Waxaana  madaarka diyaaradaha  kaga hor tegay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid ahaa agaasimaha hay’adda barakaceyaasha iyo qoxoontiga, saraakiil ka socday IOM iyo sidoo kale waalidiinta iyo eheladda dhalinyaradaasi.

C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), guddoomiyaha hay’adda barakaceyaasha iyo qoxoontiga ee Somaliland oo dhalinyaradan tahriibeyaasha ah madaarka diyaaradaha Hargaysa kaga hor tegay ayaa u mahad celiyay hay’adaha IOM iyo UNHCR oo uu sheegay in ay si weyn uga soo shaqeeyeen sidii dhalinyaradani ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen.

Wuxuu sheegay in xiligii ay dhalinyaradan tahriibeyaasha ah ka soo duuli lahaayeen garoonka diyaaradaha Tripoli in dagaal halkaas ku qabsaday.

“Waxaanu u mahad naqaynaa hay’adaha aanu wada shaqaynta leenahay ee gacanta ka gaystay soo celinta dhalinyaradani, oo ay ka mid tahay IOM iyo UNHCR.

Habeen hore ayay ahayd in dhalinayradani ay soo baxaan,  balse dagaalkii ka socday garoonka diyaaradaha caasimadda Liibiya ee Tripoli ayaa saameeyay, waxaanan daawanay in iyagoo diyaaradda ku jira oo ay go’doon ku yihiin in hadana uu dagaalkii garoonka diyaaradaha ka socday”ayuu yidhi C/kariin Xinif.

C/kariin Xinif, ayaa sidoo kale u mahad celiyay labadii jabhadood ee madaarka diyaaradaha Tripoli ku dagaalamayay oo uu tilmaamay in ay hay’adaha xaquuqda aadanaha ka ogolaadeen in ay dagaalka joojiyaan inta diyaaradii tahriibeyaashan siday ay ka duulaysay.

Isagoo arrintaa ka hadlayay na waxa uu yidhi “Waxa kaloo aan u mahad naqaynaa labadii kooxood ee Tripoli ku dagaalamayay, ee hay’adaha xuquuqal iinsaanka ka ogolaaday in ay dagaalka joojiyaan inta diyaaradaasi kacayso”.

Nimco Cabdi, waa gabadha keliya ee ka midka ahayd 41-kan tahriibe oo 40 koodda kale-ba ay ragg ahaayeen. Nimco oo warbaahintu waydiisay dareenkeedda ayaa tidhi sidan “Dareenkayga hadaan ka hadlo, waan ku faraxsanahay. Wadankaygii iyo xoriyad ayaan helay. Dhibaato badan na Liibiya way iga soo gaadhay.

Dhalinyaradda wadanka joogta na, waxaan odhanayaa wadankiina iyo ciidii na ALLE haydiin macaaneeyo”.

Iyadoo dhibaatooyinkii ay la kulmeen ka sheekaynaysay waxay tidhi “Dhibaatooyinka Liibiya dhalinyarada ku haysta waxaa ka mida, Magafe ayaa ku  qabsanaya lacag ayuu kaa qaadanayaa. Wuxuu ku odhanayaa Badda ayaan doon kuu saarayaa, kuma na saarayo.

Xeebta marka lagu geeyo dib ayaa laguu qabsanayaa, oo Magafe kale ayaa ku xeraysanaya. Hada na lacag ayuu kaa qaadanayaa. Markaa Liibiya way dhibaato badan tahay, sidaas ayaan dhalinyaradda u sheegayaa”.

Nimco Cabdi, waxa kaloo ay sheegtay in ay jiraan gabdho kale oo fara badan oo Liibiya lagu haysto. “Haa, way buuxaan gabdho badan oo Liibiya lagu haysto. Kuwo aan weli na ka qancin  wadanka, oo hamigoodii iyo himiladoodii weli sugaya ayaa jira. Laakiin anigu waan ka soo midho dhaliyay, ILLAAHAY na SWT wadankaygii ayuu igu soo celiyay. Anigu markii hore Hargaysa ayaan ka tegay”ayay tidhi Nimco.

Geesta kale dhamaanba dhalinyaradan tahriibeyaasha ahaa ee dalka dib loogu soo celiyay ayaa intii ay garoonka diyaaradaha Hargaysa ku sugnaayeen waxay warbaahinta iyo eheladoodii ka hor tegay ba la wadaageen dhacdooyin xanuun badan iyo qisooyin ku qabsaday Liibiya ama ay la kulmeen intii ay ku sii jireen jidka tahriibka.

Sidoo kale waalidiinta dhalay  dhalinyaradan tahriibeyaasha ah iyo eheladu ba waxay si aada ugu faraxsanaayeen in ay mar kale dib u midoobeen iyagoo nabad qaba, kadib markii ay muddo sanado ah kala maqnaayeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here