Khasaare Ka Dhashay Rabshado Ka Dhacay Hargeysa iyo Burco

0
766
Hargeisa (Hargeisa Press) – Dibad baxyo Rabsado wata oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Hargeisa iyo Burco ayaa waxa ay sababeen khasaare kala duwan.
Rabshadahan oo Gelinkii hore ee maanta ka dhacay Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ku dhaawacmay Hal Askari.

Rabshadaha ayaa bilaabmay, ka dib markii Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo Shalay uu Guddoomiyaha WADDANI ugu baaqay inay isugu yimaaddaan Xarunta Xisbigu ay isugu soo baxeen halkaasi ay Ciidammada Amniga oo halkaa la geeyay ay diideen inay gudaha u galaan Xarunta Xisbigaasi.

Ciidammada oo diiddan in Taageerayaasha WADDANI oo Guddoomiye Cirro hor socdo ay gudaha u galaan Xarunta Xisbiga ayaa Rasaas badan riday, si ay u kala eryaan Taageerayaasha, laakiin Guddoomiyaha WADDANI iyo taageerayaashiisa ayaa markii dambe xoog ku galay Xarunta Xisbiga, waxaana halkaa kula hadlay Guddoomiye Cirro.

Askari dhaawacmay oo ka mid ah Booliska ayaa Taliyaha guud ee Ciidammada Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) uu sheegay inay ku dhacday Rasaas uu riday Askari ka mid ah Ilaalada Guddoomiye Cirro, laakiin Guddoomiye Cirro oo isaguna la hadlay BBC-da ayaa ku dooday in Askari ay ku dhacday Rasaastii ay Ciidammadii uu ka mid ahaa ku ridayeen Taageerayaasha WADDANI.

Ciidammada Booliska ayaa la sheegay inay xidheen Dad badan oo Shacab ah, kuwaasi oo ka mid ahaa kuwii isugu soo baxay Xarunta Xisbiga WADDANI, waxaana Xadhigga muwaadiniinta Rayidka ah ka sii horreeyay Xoghayaha guud ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka Xisbigaa Barkhad Jaamac Batuun oo iyagana Xalay Boolisku xidhay.

Dhinaca kale, waxa Mudaharaaddo Rabshado Wata oo lagu taageerayo Baaqa Guddoomiyaha WADDANI ay ka dhaceen Maanta qaybo ka mid ah Magaalada Burco.

Lama Sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Mudaharaaddada ka dhacay Magaalada Burco.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI ka mid yahay ayaa ku muransan aasaaska Komiishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Xisbiga WADDANI ayaa diiddan Xubin Magaciisu yahay Cabdirashiid Riyo-raac oo ka mid ah Xubnaha uu Madaxweynuhu u soo xulay inay Komiishanka ku matalaan, waxaana WADDANI aamisan yahay in Riyo-raac uu ka mid yahay Xisbiga KULMIYE, taana aanu sharcigu ogolayn.

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY