Khasaare Ka Dhashay Mudaharaad Rebshado Watay Oo Hargaysa Ka Dhacay

0
609

Hargaysa (HP): Mudaharaad aan weynajn balse ay rebshado dhaawacyo sababay ka dhasheen ayaa maanta ka dhacay magaaladda Hargaysa.
Banaan baxani ayaa qayb ka ah mudaharaadyo ay hore ugu baaqeen madaxda xisbiyadda mucaaradka Somaliland.
Kuwaasoo ay ku doonayaan in ay xukuumadda madaxweyne Biixi cadaadis ku saaraan, maadaama oo uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaradka ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo furista ururadda siyaasadda.

Mudaharaadkaasi oo uu hor kacayay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro, iyo masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsan ayaa ka dhacay badhtamaha Hargaysa.
Dadka mudaharaadayay oo u badnaa dhalinyaro ayaa markii ay soo gaadheen fagaaraha Khayriyadda ee badhtamaha Hargaysa waxaa ka hor tegay ciidamadda booliska.
Waxaanay ciidamadu addeegsadeen Sunta Indhaha ka Ilmaysiisa, iyo Rasaas nool ba, taasoo keentay in ay ku dhaawacmeen xubno ka mida saraakiisha xisbiga Waddani.
Sidoo kale waxay ciidamadda boolisku xidh-xidheen masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, iyo qaar ka mid ahaa dhalinyaradii mudaharaadka dhigayay.

Geesta kale xukuumadda Somaliland oo mudaharaadkaasi ka Hadashay ayaa mar kale ka digtay in aan wax mudaharaadyo ah oo sharci darro ah dalka laga qaban Karin.
Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in guud ahaanba dalkoo dhan aanay ka dhici karin mudaharaadyo sharci darro ah.
Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isna arrinta mudaharaadka ka hadlay ayaa sheegay in Sabtidda todobaadka danbe uu dalkoo dhan ay ka dhici doonaan mudaharaadyo waaweyn.
Musharaxa Waddani C/raxmaan Cirro, iyo guddoomiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo iyagna hadlay waxay Carrabka ku adkeeyeen in mudaharaadyadda sii wadayaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here